DABAGAL: Waayo dadka ugu badan ee ilmaha looga qaato Sweden? (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 20 Dis 2021 – Sida lagu sheegay warbixin ay Ekot tebisay saakay aroortii waalidiinta ajaanibta ah ayaa ah kuwa ugu badan ee sida khasabka ah ay caruuraha uga qaataan social-ku (socialtjänsten), taa ku laba-laabmaysa marka loo barbar dhigo waalidiinta asal-Iswiidhiska ah, sida ka muuqata tirokoobyo cusub oo ay Hay’adda Daryeelka Bulshada ” Socialstyrelsen ” iyo Hey’ada Tirakoobka dalka ee SCB ay soo saareen.

Haddaba Behzad iyo Aware oo aanan ahayn magacooda saxda ayaa dalka yimid 2015-kii, sanad gudihiisa ayay la hay’ada socialtjänsten la soo xiriirtay, iyadoo markii ay u guureen magaalo kaloo oo cusub si xoog ah looga qaatay carruurtooda, waa Behzad oo ka hadlaya;

-Haa waa ay i xanuujisay. Waxaan ahaa mid aad u careysan kaddibna waxaan kala tuuray xaaskayga. Balse waligey kuma fakarin in caruurteenna nalaga fogayn doono.

Arrintan oo ay Ekot si gaar ah u eegayso ayaa guud ahaan waxey ku saabsan tahay 7,909 oo carruur ah oo si xoog ah lagu qaatay iyagoo la noolaa waalidiintooda. Badi carruurtaas 4800 ka mid ah ayaa ahaa kuwa waalidiintooda ay yihiin Iswidhish, balse marka la eego tirada ay ajnabigu guud ahaan ka yihiin Sweden, waxay tani noqonaysaa in fursadda waalid ajnabi ah ilmaha looga qaadan karaa uu ku laba-laabmayo waalidiinta asal-Iswiidhishka ah.

Hadalsame Media