“Waxaan dadka uga sheekeeyaa sababta laba jeer la ii furay!!” – Sacdiyo Axmed

0

(Hadalsame) 16 Dis 2021 – Sacdiyo Axmed Rashiid waa haweeney ku dhiirata inay ka hadasho arrimo xasaasi ah, gaar ahaan sababaha ay u fashilmeen guurkeedii koowaad iyo labaad.

Sacdiyo waxay sheegtay in markii ay billowday inay ka hadasho nolosheeda gaarka ah iyo arrimaha ku aaddan xiriirkeeda ay dadka uga falceliyeen qaabab kala duwan.

Dadka qaar ayaa ku dhaliilay inay ka hadasho arrimo “ceeb” ku ah haweenka Soomaalida, halka kuwo kale ay ku ammaaneen inay soo bandhigtay arrimo mudan in laga doodo.

“Waxaan guursaday aniga oo iskuul dhigta. Ma doonayo in aan iraahdo waxaa la igu qasbay in aan guursado xilli hore, laakiin yaraanteydii ayaa waxaa igu dhacay jaceyl , waxaan la kulmay wiil dhalinyaro ahaa oo aad isu jecleyn,” ayay tiri Sacdiyo.

Hooyadan 30 jirka ah ee haysata saddex carruur ah ayaa waxay ka sheekeynaysaa saddex guur oo cashar u noqday.

“Riyadeyda ugu weyn ayaa ah inay iftiin u noqto haweenka iyo sidoo kale ragga ku nool guur uu khilaaf hareeyay isla markaana farxaddii guurka laga filayay ay bedalkeeda noqotay xanuun iyo dhibaato,” ayay tiri Sacdiyo.

Guurkeedii koowaad

m

XIGASHADA SAWIRKA,SAIDA AHMED RASHID

Sacdiyo waxay sheegtay in guurkeedii ugu horreeyay uu ahaa jacaylkeedii koowaad, sidaa darteed-na uu ahaa kii ugu raaxada badnaa.

“Waxaan guursaday 2008, waxaana Alle na siiyay gabar,” ayay tiri Sacdiyo.

Caqabadda ugu weyn ee guurkan ka taagneyd ayaa ahayd heerka nolashooda iyo dedaal loogu jiray sidii loo dabooli lahaa baahidooda maalinlaha ah, waxaa jiray walaac soo food-saaray iyada iyo seygeedii koobaad.

Sacdiyo ayaa sheegtay in xaaladda ay ku kaliftay iyada iyo seygeeda inay isku afgartaan sidii loo heli lahaa qaabkii ay uga bixi lahaayeen Kenya.

Sanadkii 2010, Sacdiyo waxay u safartay dalka dibadiisa si ay nolol wanaagsan uga hesho.

“Ma aanan lahayn rabitaan xooggan oo ah in ninkeyga uu meel kale iga aado. Laakiin ninkayga ayaa ku adkeystay inuu aado si uu u raadsado fursado aan ku horumarino bulshadeena. Mustaqbalka ma aanan ogeyn in xiriirkeena uu xumaanayo, maxaa yeelay isku meel ma aan joogin,” ayay tiri Sacdiyo.

Sacdiyo ayaa xustay in xiriirkooda uu billaabay inuu sii xumaado sanadkaas markii ay u safartay dibedda, sida keliya ee lagu sii wadi karana uu noqday in baraha bulshada lagu wada xiriiro.

Waxa ay intaa ku dartay in caqabadii ugu waynayd ee soo wajada ay sidoo kale ay ahayd qaabkii loo wada xiriiri lahaa maadaam waqtiga Afrika iyo Yurub uu farqi u dhaxeeyo.

Sanadkii 2013 waxaa cadaatay in guurkooda uu sii daciifayo ayna adag tahay in la sii wado.

Sacdiyo ayaa sheegtay in ninkeeda iyo iyaduba ay isku afgarteen in la joogo waqtigii qofwalba noloshiisa dib u billaabi lahaa.

“Wax fudud ma ahayn in la aqbalo furriinka, maxaa yeelay markii aan ka soo tagay gurigeyga oo dibadda oo qurbaha soo aadayay si aan nolol uga raadsado waxaan horeyba ugu wargaliyay ninkayga in aan ka caga-jiidayo furiin,” ayay tiri Saciida.

Kadib markii uu furriinka dhacay ayaa waxay lamaanahan kala tegay ku heshiiyeen qaabkii ay gabadhooda u korsan lahaayeen.

Guurkii labaad

Sanadkii 2015 waxay markale go’aansatay in ay calafkeeda tijaabiso, waxaana ay haasaawe billaabeen nin cusub, kaasoo guursaday.

Sacdiyo ayaa sheegtay in sanadkii koobaad uu xaaladda guurkeeda soo hagaagay, ayna ku hamiday in qoyskan uu sidii kii hore ku burburin.

Balse waxa ay tilmaantay in wax kasta ay isbedaleen markii ay laba canug u dhashay ninka cusub, isla markaana ay dareentay in uusan fahmin baahiyaheeda gaarka ah, isla markaana ay waxyaabo badan isku qabteen.

Saida Ahmed Rashid

XIGASHADA SAWIRKA,SAIDA AHMED RASHID

Sacdiyo ayaa sheegtay inay dareentay in la go’doomiyay, waxaana ku dhacay qulub iyo wareer badan.

Seygeeda ayaa go’aansaday in Sacdiyo uu u geeyo dhakhtar cilmu-nasfiga ah, si xaaladdeeda loola tacaalo, balse mushkiladda haysatay ay ahayd dhinaca isfahanka labadooda u dhexeeyay.

Waxa ay sheegtay in seygeeda labaad uu markii dambe ku dhiirraday in uu u gacan qaado, isla markaana kula kaco hadallo maskax ahaan wax u dhimaya.

Arrintaas ayaa ku kaliftay in xitaa ay ku fekerto in ay is-disho si ay u dhaafto dunida mashaakilka badan. Dhibaatada lagu hayay ayaa gaartay in seygeeda uu ugu hanjabo in toori uu qudha uga jari doono.

“Habeen ayaan isku dhacnay, kadib waxaan ugu hanjabay in aan toori nafta uga jarayo. Waxaan isku soo xiray qol gaar ah oo aan habeenkaas seexday. Markii waaga uu baryay ayaa ehelka labada dhinac isu yimaadeen, waxaana u sheegay arrintii dhacday, kadibna sidaa ayaa la iiga furay ninkii labaad,” ayay tiri.

Guurkii saddexaad

m

XIGASHADA SAWIRKA,SAIDA AHMED RASHID

Furriinkii labaad wuxuu dhacay 2017, waxaana Sacdiyo ay wacad ku martay in aysan isku-dayi doonin inay samayso xiriir saddexaad oo ay guursato.

Markii guurkii labaad burburay labadii carruur waxaa qaatay aabbahood.

Kala-tagga carruurteeda ayaa sidoo kale noolosha ku adkeysay iyada oo is waydiinaysay sida ay la’aantooda ku noolaan karto.

Markii xaalku halkaasi marayo ayaa waxa ay Sacdiyo mar kale billowday in ay shukaansato nin saddexaad, waxaana si lama filaan ah ay u guursatay markii saddexaad.

“Maadaama aan ku dhaartay in ana mar kale guursanayn hadana bina’aadam ayaan ahay oo waxaan u baahanahay jaceyl iyo naxariis,” ayay tiri Sacdiya.

Waxa ay intaa ku dartay in ninkeeda saddexaad uu u muujiyay jaceyl ka badan kii seygeedii labaad.

Sacdiyo ayaa imika rajeynaysa in guurkeeda saddexaad uu noqon doono mid barwaaqo iyo guul ku dhamaada.

Waxay intaa ku dartay in sheekadeeda ah in ay mareyso guurkii saddexaad ay bulshada Soomaalida dhexdeeda ka abuurtay dood badan, maadaama uu ahaa mowduuc aan si toos ah looga hadlin.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media