Sheeko aad u XIKMAD badan oo dhex martay mallaay dabato Mexican ah & dalxiise Maraykan ah

0

(Hadalsame) 16 Dis 2021 – Nin dalxiise ah oo Maraykan ah ayaa booqday tuulo ku taalo wadanka Mexico oo dadka dagan ay kaluumeysato yihiin, waxuu u sheegay in noociyada kaluunkooda uu aad u heer sareeyo, kaddib waxuu weydiiyey: Imisa ayey idinku qaadataa inaad kaluun soo qabataan?

Waxey dhaheen: Waqti yar.
Waxuu yiri: Maad xili badan ku bixisaan oo kaluun badan aad soo qabataan?
Waxey dhaheen: Inta yar ayaa nagu filan anaga iyo reeraheena.

Waxuu weydiiyey: Xillayada kale maxaad qabataan?
Waxey dhaheen: Xilli danbe ayaan seexanaa, wax yar ayaan soo kalluumeysanaa, ciyaalkeena iyo xaasaskeena ayaan la ciyaarnaa, galabtii qaraabada ayaa booqanaa, habeenkii ciyaaro iyo qosol ayaan iskaga jirnaa.

Waxuu yiri: aniga waxaan master maamulka ah ka wadaa jaamacada Harvard waan idin caawin karaa, waa inaad xili badan kalluumeysataan si aad kaluun badan u soo qabataan.
Waxey dhaheen: Kadibna?

Waxuu yiri: Waxaad ka iibineysaan dadka, kadibna doomo ayaad iibsaneysaan, kadibna shirkado ayaad la heshiineysaan oo kaluunka idinka iibsada.
Waxey dhaheen: Kadibna?

Waxuu yiri: Magaalooyin waaweyn ayaad u wareegi kartaan, sida Los Angeles oo kale, kadib waxaad sameyneysaan mashaariic waaweyn oo aduunka oo dhan isku xira.
Waxey dhaheen: Kadibna?

Waxuu yiri: Kadib maalqabeenada aduunka ayaad ku biireysaan oo saameyn ayaad yeelaneysaan.

Waxey dhaheen: Imisa sano ayey nagu qaadanaysaa inaan howshaas qabano?
Waxuu yiri: Ugu yaraan 20 sano.
Waxey dhaheen: Kadibna?

Waxuu yiri: Markaas kadib waxaad noqoneysaan howl gab, waxaad ku soo laabaneysaan tuuladiina, waxaadna si dagan ula noolaaneysaa reerahiina iyo ciyaalkiina, waxaad tumaneysaan habeenkii ciyaaro waxaad qaadaneysaan xili wanaagsan.

Waxey dhaheen: Hadda howsha aan qabano maxay tahay?
Waxuu yiri: Wax yar ayaad soo kaluumeysataan.
Waxey dhaheen: Kadibna?

Waxuu yiri: Reerihiina ayaad qurux iyo baashaal kula nooshihiin, habeenkii xili danbe ayaad seexataan, galabtii qaraabada ayaad booqataan, habeenkii ciyaaro ayaad tumataan.

Waxey dhaheen: Maxaa 20 sano oo shaqo ah noogu diree marka?

Waxuu yiri: Qoladii jaamacada ayaa I waashay ee ma idinla noolaan karaa?

Waxey dhaheen: Shahaadada micno maleh, ee Nala shaqeyso.

W; D: Khaalid Macallin

Hadalsame Media