Siyaasi farta ku fiiqay arrin ay dad badani ka ilduufsan yihiin balse muhim ah

0

(Hadalsame) 15 Dis 2021 – Siyaasiga Cumar Cabdirashiid ayaa farta ku godey in caga-jiidka soconaya ee doorashada Somalia taasoo dhowrkii biloodba 10 qof la doorto celcelis ahaan.

Cumar oo horay RW uga soo noqday dalka, Baarlamankii 10-aadna ka tirsanaa Aqalka Sare oo dalka ku cusub waloow uusan wax xil ah ka gudanin hal xiisadna ka qaybgelin, ayaa misna iftiimiyey arrin muhim ah.

Wuxuu soo qaatay in haatan sanad iyo bilo laga joogo Heshiiskii 17-kii Sebtembar, balse ilaa haatan aysan Madaxda Maamul-goboleedyadu soo gudbinin xitaa odayadii iyo bulshadii rayidka ahayd ee soo xuli lahayd xildhibaannada.

Doorashada haatan socota ayaa aad loo dhaliilay iyadoo lagu sheegay in marka laga soo tago musuqa iyo laaluushka ay misna kusoo kordheen labada cilladood oo kale oo aan awal jiri jirin, kuwaasoo kala ah in dadka qaar loo diido inay isa sharraxaan iyo xulashadii qabaa’ilka oo la farageliyey.

Hadalsame Media