Gabar Soomaali ah oo hindistey qalab wax wayn ka tari doona jirro ku dhacda WADNAHA

0

(Århus) 16 Dis 2021 – Xaaladda loo yaqaan Aortic Insufficiency – oo dhacda marka aysan si qaab leh u xirmaynin khaanadaha wadnaha, taasoo keenta in dhiiggii uu wadnuhu tufayey uu qaar ku haro isla markaana sababaysa in wadnihii uu markaa xoog u shaqeeyo mar marna sababta inuu daalo oo istaago ayaa ahayd xaalad dhib badan.

Dhakhaatiirta ayaa badiyaa arrintan ku xallin jirey dib u hagaajin macmal ah oo loo sameeyo nudayaashii wadnaha ee jirradey iyagoo ku bedeli jirey mid macmal ah (artificial valve).

Ha yeeshee, gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mariam Noor ayaa hindistey agab jiidjiidma oo sidii jirka kale u qabsanaya nudayaasha wadnaha, iyadoo arrinkan oo xisaab badan iyo fiisigis u baahan la kaashatay qof injineer ah.

Maryan ayaa sheegtay in qalabkan oo ka samaysan Silicone jilicsan lagu tijaabiyey wadnaha doofaarka oo ah midka ugu dhow kan aadanaha, iyadoo la is barbardhigay mid lagu xirey iyo mid aan lahayn, waxaana kasoo baxday natiijo aad looga helay.

Baarista iyo daraasadaynta ayaase sanado sii soconaysa kahor inta aan la helin rukhsadda kama dambaynta ah ee aaladdan loogu adeegsan karo si rasmi ah, sida ay sheegtay Maryan oo ka tirsan Århus University.

Hadalsame Media