Aragtide olole ee musharrixiinta oo u kala baxa ilaa 6 qaybood (Qolo kasta & waxa ay aaminsan tahay)

0

(Hadalsame) 16 Dis 2021 – Marka aan u fiirsaday dabeecadaha, habdhaqanka iyo xeeladda olole ee musharraxiinta xilalka siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii ay u tartamayaan kursi xildhibaan ama xil madaxweyne, waxaa ii soo baxday in uu tartanka u dhaxeeyo lix qolo:

1. Qolo aaminsan in ay dadweynuhu rabaan oo si dabiici ah oo dar Alle ah loo jecel yahay. Waxay u haystaan in qofki salaama ee u dhoolla caddeeya uu taageersan yahay. Waxay aaminsan yihiin in doorashada oo dhacdo oo kaliya ay guusha ka xigto.

2. Qolo awood aaminsan oo ay ka dhaadhacsan tahay in ninki xoog leh ay xaajo u toosto. Waxaa u qorshaysan in ay awooddooda ku meelmaraan.

3. Qolo lacag aaminsan. Waxay rumaysan yihiin in dadka wax dooranaaya ay lacag u baahan yihiin, ayna dooran doonaan qofki lacag siiya. Maalgelin ayay raadiyaan, waxayna ku dadaalaan in ay ka war qabaan jeebka musharraxiinta la tartamaysa.

4. Qolo aaminsan dadaal, galaangal iyo xodxodasho. Waxay rumaysan yihiin in guusha musharraxa ay ku xiran tahay tirada iyo tayada kooxda la shaqayso. Waxay ku dadaalaan in ay koox dhisaan, iyaga oo qof walba maslaxad gaar ah tusaayo.

5. Qolo aaminsan aragti iyo sumcad. Waxay xoogga saaraan warbaahinta iyo kulamada dadweyne si ay aragtidooda u gaarsiiyaan dadka ugu badan. Waxay sheegaan runta, waxayna dadka ka iibiyaan qaddiyad.

6. Qolo aaminsan ra’yul caamka. Qoladaan ma lahan shakhsiyad sugan, waa jirjirrooleyaal isku ekaysiiya hadba sida uu xiisaynaayo qofka ama dadka ay markaas la kulmayaan. Waxay sameeyaan ballanqaadyo badan iyaga oo aan u meeldayayn suuragalnimada fulinta ballamahaas.

Fiiro gaar ah: qiimayntayda waxaan ku saleeyay musharraxiinta meelaha ay xoogga kala saaraan ee kama dhigno in musharrax walba uu qaanadahaas mid kamid ah oo kaliya uu ku jiro.

Qolo aan ka tagay oo aad ku darayso ma jirtaa? Qoladee ugu macquulsan ayay kula tahay? Ma jiraa musharrax aad soo xasuusatay inta aad qoraalka akhrinaysay?

W; D: Mustafa Caadle

Hadalsame Media