Shanta qori ee fudud ee ugu bandhigga wanaagsan dunida maanta + Sawirro

0
Norske og afghanske styrker gjennomforer operasjon Chashme Naw

(Hadalsame) 16 Dis 2021 – Waxaan idiin haynaa 5-ta qori ee lagu tilmaamo kuwa ugu sarreeya caalamka casriga ah marka ay timaado dhanka bandhigga, cimriga, gigsiga, waxtarka iyo ku shaqaynta jawiyada iyo oogoyinka kala duwan.

1 – FN SCAR, Belgium/USA

FN SCAR oo bilowgii soo baxay 2004 waa qori sahlan oo loo adeegsado howlgallada gaarka ah, waxaana aad uga hela Ciidamada KOMAANDOOSKA ah iyo xitaa booliiska. Waxaa laga iminka isticmaalaa 32 dal.

2. HK416, Germany

Norske og afghanske styrker gjennomforer operasjon Chashme Naw

HK416 waa qori sahlan oo cimilooyin iyo dhulal kala duwan ku shaqayn kara. Sidoo kale ma aha hubka jaam garooba isagoo mar la tijaabinayey 10,000 oo xabbo ridey isagoon istaagin. Waxaa la bilaabay 2004 waxaana adeegsada in ka badan 27 dal.

3. AK-103, Russia

Dad badani waxay yaqaannaan qoriga caanka ah ee AK47, yeelkeede, AK-103 ayay Ruushku ku tilmaamaan midka ugu wanaagsan dhanka qoryaha fudud. AK-103 waxaa lasoo saaray 2011, waxaana ilaa haatan la iibiyey 250,000 oo dunida gaarey.

Wuxuu ridey 1,400 oo xabbo isagoo aan istaagin wuxuuna ku shaqayn karaa jawi kasta sida aakayaasha kale, iyadoo haatan laga yaqaan 17 dal.

4. IWI Tavor X95, Israel

IWI Tavor X95 waxaa sameeysay shirkadda Israel Weapon Industries. IWI Tavor X95 waa qori weerar waxaana la soo saaray 2009-kii, iyadoo ay si gaar ah u doorbidaan ciidamada Israel, gaar ahaan kuwa badda ee gaarka ah ee loo yaqaan Shayetet 13. Waxaa loo dhoofiyey 19 dal.

5. M16, USA

Qoriga caanka ah ee M16 oo soo baxay 1964-kii oo uu kusoo caan baxay dagaalkii Kuuriya, wuxuu ka qayb galay ilaa 38 dagaal oo caalami ah, isagoo yaalla in ka badan 80 dal oo caalamka ah. Waxaa qorigan naqshadeeyey injinneer Eugene Stone oo weli nool. Waa qori sahlan oo canaan kulul inta badanna ku wanaagsan dhanka badda.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media