Wakaalad warar oo farriin u dirtay Wasaarad Gaashaandhig iyadoo iska dhigaysa wasiirkii (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – Wakaaladda Wararka EKOT ayaa ku guulaysatey inay e-mail u dirto Xafiisyada Dowladda ee Regeringskansliet iyada oo iska dhigaya Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Peter Hultqvist, halkaasoo ay kasoo baxday in aysan isticmaalin aaladda sheegta farriimaha bugta ah.

Ekot intaa kuma harine waxay wacday qaybta warfaafinta ugu qaybsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Försvarets Radioanstalt iyadoo u sheegaysa bal inay eegaan e-mail-ka uu soo diray wasiirka Gaashaandhiggu.

Anne-Marie Eklund Löwinder oo ah khabiirad dhanka ammaanka IT-ga ah sidoo kalena ka tirsan Guddi Hoosaadka Baarlamanka ee arrimaha Dhijitaalka ah ayaa fashilkan ka hadlaysa. – Sida aan u arko, waa khalad howleed in aysan dowladdu lahayn wax la iskaga dhowro farriimaha bugta ah, ayay tiri.

Hadalsame Media