Qorshe ay falkinayaan Farmaajo & mucaaradkiisa oo keeni kara fashil wayn

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – MW Somalia, Maxamed Farmaajo, wuxuu muddo-xileedkiisu ku ekaa 8-dii Febraayo 2020-kii, haatan waxaa sanad uga harsan 2 bilood oo buuxda.

Ha yeeshee, dalkii wuxuu heehaabayaa hawo kacsan oo aan la sii saadaalin karin waxa ka dhalan iyo xaalad hubaal la’aaneed oo aan runtii loo baahnayn, iyadoo ay dad badani dareensan yihiin in taliska haatan jira uu hadafkiisa ugu wayni yahay in 24 saac oo dheeraad ah Madaxtooyada lasii dhex fadhiyo laakiin aanay jirin wax han ah oo intaa dhaafsiisan iyo xitaa farsamadii ay taasi ku suurageli lahayd.

AAN FADHIYO AMA HA FASHILANTO – Marka la eego taariikhda siyaasadeed ama dowladeed ee dhowaan-galka ah iska ah ee Soomaaliyeed ee loo qaybiyo hab-dhaqanka aan xasilnayn ee ay ku socoto, laguna dhufto wixii ka dhashay kursi la isku dhejiyo ama xoog lagu raadiyo oo ah ma aha aragti wanaagsan in isla aragtidaasi ay xitaa dooddaba soo gasho xilli uu dalkii weli dhulka u yaallo dhibkii taas ka dhashay.

Marka ragga Madaxtooyada fadhiya caqli kale ayaa looga fadhiyaaye ma aha in dalka la geliyo xaalad ah ”cun ama ciidee.”

MUCAARADKA KA DARE – Mucaaradka dano badanta ah ee isla jira kalana jira laftoodu waxay marar badan lasoo shir tagaan siyaasad heer hoose ah oo mararka qaar iyaga u sawiraysa sidii ka darayaal aan dhaamin midka ay ka dayrinayaan ee kursiga ku dangiiga.

Hal midna waa in la ogaadaa mucaarad iyo muxaafidba, qof dalkan kursigiisa xoog ku haysan kartaa ma jirto si kasta oo wax la isu tustusana socon mayso, marka waxaa mucaaradka ku waxaa lagaga baahan yahay in ay is dejiyaan oo ay weliba muujiyaan inay dadka iyo dalka u turayaan.

Waxaan aad ula dhacay war uu maalin dhowayd ku garramayey sidii uu xilka u wareejiyey ee qurxoonayd, in uusan baasaboor shisheeye sidan iyo in uusan doonayn wax ka badan dalka oo nidaam yeesha nabadna lagu wada daaqo. Wixii intaa ka badani cidna anfici mayso, mucaarad walaa muxaafid walaa mid aan fikirin oo iska kala taageera.

Sidaa darteed, haka waantoobaan waxaan dhisaynaa ”Gole Badbaado” ama ”dagaal ayaan wax ku raadinaynaa”, balse taa biddaalkeeda siyaasad hallugu wajaho xaaladda taagan, tan kale mucaaradka laftiisa waa inay tintiisu dhinac u xiiranto oo aysan marna soo dhowaynin qof kusoo baxay doorasho ay darraabayaan marna aysan dhihin hannaanka doorashadu waa cilladaysan yahay.

Haa waa run inuu cilladaysan yahay, balse waa inaan hilibkii la caayin balse maraqiisa la cabin. Ummaddu maanta uma baahna laba dhinac oo isla keena filim foowdo ah oo horay loo fiirsaday, waa film-ka kala kacsiga ee aan ka kicinta ku dhisnayne.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media