RW Abiy Ahmed oo bayaaniyey waxa uu ka damacsan yahay dalka Somalia

0

(Addis Ababa) 09 Dis 2021 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, oo beryihii dambe sheegayey inuu ku sugan yahay furunta hore ee dagaalka uu kula jiro fallaagada Tigreega ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan dalalka gobolka Bariga Afrika oo ay Somalia ku jirto.

”Itoobiya waxay sii wadaysaa inay muhiimadda siiso xoojinta xiriirka dalalka dersaanteenna ah,” ayuu warkiisa ku bilaabay Abiy Ahmed.

”Waxaan la hadlay hoggaamiyeyaasha dalalka Djibouti, Kenya, Uganda, Somalia, Eritrea iyo South Sudan. Waxaana sii wadaynaa in aannu ka wada shaqayno xiriirrada nagala dhexeeya.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa muujinaysa in Abiy Ahmed uu woxoogaa nefis ah ka helay dagaallada uga furan gudaha Itoobiya iyadoo bishii hore ay qilqiil gashay Addis Ababa oo ah fadhiga DF.

Hadalsame Media