Gabar Soomaali ah oo qabsatay cinwaannada warbaahinta Hindiya & sababta

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – Isbitaal ku yaalla magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa gabar yar oo Soomaali ah looga daweeyay nooc dhif ah oo ka mid ah cudurka kansarka, kaasoo ah buro kasoo baxda kelyaha.

Xanuunkan oo loo yaqaanno “Wilm’s Tumo” ayay gabadha la il darneyd tan iyo bishii February ee sanadkan 2021-ka, xilligaasoo ahayd markii ugu horreysay ee lagu arkay.

Sheekada Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo 5 jir ah, ayaa soo jiidatay dad badan, iyadoo hadda uu caafimaadkeeda wanaagsan yahay kaddib markii qalliinka lagu sameeyay.

Dhakhaatiirka ku sugan isbitaalka Yashoda ee magaalada Hyderabad ayaa sheegay in bukaanka ay ku taallay buro uu cibbirkeedu yahay 30x30x30 cm, sida lagu shaaciyay bogga Indianpharmapost.

Markii la geynayay isbitaalka waxa ay ahayd mid aad u tabaryar oo marxalad adag ku jirta. Daweyn kaddib waxay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliin lagu guuleystay oo looga jaray burada kansarka.

Siddeed saacadood oo howlgalka qalliinka ah ay ku jireen dhakhaatiirtu, Faadumo waxaa laga gooyay buro uu culeyskeedu yahay 5 kiilo.

ida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, Dr. Sachin Marda oo madax ka ah qeybta qalliinka ee isbitaalka ayaa sheegay in Faadumo “loo keenay waqtigii ugu xasaasinayaa, haddii ay wax yar soo dib dhici lahaydna ay nolosheedu khatar gali kartay”.

Yashoda Hospitals

XIGASHADA SAWIRKA,YASHODA HOSPITALS

Gabadha yar aabbeheed, Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed, oo ku magac dheer “Taataa”, ayaa BBC-da u sheegay in Faadumo ay cudurkan la dhibaatooneysay muddo ku dhawaad hal sano ah.

“Faadumo waa gabadheyda curadda ah, bishii February ee sanadkan ayay ahayd, annagu markii hore ma aannaan ku ogeyn xanuunka, mana aannaan fahansaneyn. Subax unbay hooyadeed u sheegtay inay caloosha xanuuneyso. Dhakhtar jooga magaalada Goldogob oo ay ku nooleyd ayaan u geynay, baaritaan kaddibna wuxuu noo sheegay inay qabto nooc kansar ah oo waliba aad u weyn,” ayuu yiri.

Faadumo Cabdulqaadir

Cabdulqaadir ayaa sheegay in markii hore ay geeyeen isbitaallo ku yaalla Muqdisho, halkaasoo qalliin loogu sameyay balse uusan noqonin mid guul ku dhammaaday.

“Isbitaalka Turkiga ayaan baaritaan xaqiijin ah kula sameynay, kaddibna waxaan geynay Shaafi, qalliin bay ku sameeyeen, buradii way soo jareen, kellida bidixna way soo bixiyeen, inta aan la gaarin saddex bilood oo baaritaan lagu sameyn lahaa gabadhii way xanuunsatay, dhakhtarkii ugu horreeyayna wuxuu noo sheegay inuu cudurkii kusoo laabtay.

Faadumo Cabdulqaadir

“Waqtigaas laga soo billaabo gabadha xaaladdeeda way soo xumaatay. calooshii baa soo barartay ilaa heer ay ku dhawaato inay caloosha qaraxdo. xanuun waxay dareemeysay aan la qiyaasi karin, ilaa heer cirbad xanuun baabi’iye ah mar walba lagu duro. Cunto ma aysan qaadaneynin, faleembo ayaa lagu siinayay raashinka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

‘Saddex jeer baan ku dhacay imtixaan’

Gabadha aabeheed, oo ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu qudhiisa xaalado adag ka maray arrinta qabsatay gabadhiisa curadda ah.

“Markii la ii sheegay in kansar laga helay gabadheyda, waxaan isu diyaarinayay imtixaan muhiim ah. Waxaan xasuustaa in aan saddex jeer ku dhacay imtixaankii, saddexda jeer oo kala duwanna waxaa saameyn igu yeelanayay go’aannada kasoo baxayay xaaladda caafimaad ee gabadha,” ayuu yiri.

Gabadha yar, Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo lix maalmood ku jirtay isbitaalka Hyderabad ayaa qalliinka kaddib hadda waxaa aad u wanaagsan caafimaadkeeda, sida uu noo sheegay aabeheed.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media