Noocyada tallaal ee jira noocee ugu liita la tacaalidda Omicron & warar kale (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – Tallaalka Pfizer ayaa bixiya difaac ka liita tallaalada kale ee lagula tacaalo nooca cusub ee Omikron, taas oo macnaheedu yahay in kuurada saddexaad loo baahan yahay, sida ay muujiyeen natiijooyinka dhowr kooxood oo cilmi-baaris ah ay sameeyey.

Gunilla Karlsson-Hedestam, oo ah professor dhanka tallaalada oo ka howlgasha machadka Karonlinka Institutet ayaa sharraxeysa waxa ay ka dhigan tahay.

”Unugyada difaaca jirka way isbedelaan kaddib caabuq hore ama tallaal horay jirka u galay waxayna leeyihiin saameyn yar oo ka dhan ah Omicron marka loo eego fayraskii hore ee delta.” ayay tiri Gunilla Karlsson.

Hadalsame Media