QM oo wax bedeshey abla-ablaynta da’da (Dadka waawayn oo laga farxiyey)

0

(Hadalsame) 09 Dis 2021 – Heerar kala geddisan ayay soo martay da’da loo arki karo inuu qofku waayeel yahay da’ ahaan, iyadoo Britain ay 1875-kii ay 50 sano ka bilaabmaysey waayeelnimadu.

Sanadahan dambe ee casriga ahaa da’da 60-jirka ayaa loo tixgelinayey inay waayeelnimadu ka bilaambayso.

Yeelkeede, Hay’adda Caafimaadka QM ee WHO ayaa daraasad cusub oo ay sameeysey waxaaba bedeshey, iyadoo tixgelinaysa celcelis ahaan caafimaadka qofka, cimriga celcelis ahaan lagu dhinto, tayada nololeed iwm, waxayna soo saareen shaxdan cusub:

– 0-17 sano: Da’yar
– 18-65 sano: Qof da’yar/dhallinyaro

– 66-79 sano: Da’ dhexaad
– 80-99 sano: waayeel/duq
– 100+ sano: duq cimriyey

Da’da ayaa badiyaa marka dhanka cilmi nafsiga la eego aan kaliya lagu xisaabin da’da sanad-tirsiga ah (chronological), iyadoo la tixgeliyo waxyaabo kale oo badan sida nafsaani ahaan, jir ahaan, caafimaad ahaan, dhaqan-dhaqaale ahaan iwm.

Tusaale, waxaa jiri kara 50-jir wax u qaban kara sida 25-jir iyo 25-jir u jir ahaan u dhaqmaya sidii 50-jir. Marka da’du waa lambar halkaa ayay malaha salka ku haysaa.

Hadalsame Media