DHEGEYSO: Booliiska oo ka digaya farriin halis ah oo maalmihii lasoo dhaafay dadka loogu dirayey telefoonnada

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Waxaa Sweden kusoo xarka goostay malaayiin farriimood oo bug ah oo ku saabsan alaabooyin laga dhigayo inuu qofku sugayo oo loosoo direy xilligii qiime dhimista Black Friday, oo ay inta badan dadku wax u iibsadaan qaab online ah.

Booliiska ayaa haddaba haatan ka digaya farriimaha noocan ah oo dad badan telefoonnada ugu soo dhacay.

‘’Waxaannu isku daynay in aannu kusoo gaarsiinno xirmadaadii marka hubi halka ay wax marayaan’’.

Dadka  haysta telefoonnada ku shaqeeya barnaamij-howleedka loo yaqaan Android ayay farriintu ku dhiirri gelinaysaa inay gujiyaan mareeg, taasoo deeto marka dhag la siiyo uu qofka usoo degayo app khatar ah oo xambaarsan code sahlaya in la akhriyo ama la xado xogaha uu qofku ku galo koontooyinkiisa gaarka ah.

Telefoonka la jabsaday ayaa deeto farriinta si otomaatig ah ugu sii diraya dhamaanba dadka ugu kaydka qaybta liiska xiriirka sida uu sheegayo Jan Olsson oo ah dembi baare ka tirsan qaybta dembiyada internet-ka ee loo yaqaan IT-brottscentrum.

Hadalsame Media