”Karoonaha taagan cudurka soo socdaa ka daran!” – Prof Sarah Gilbert oo jeedisey digniin culus

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Cudurrada safmarka ah ee mustaqbalka ayey suuragal tahay inay khatar badnaadaan midka haatan dhibaatadiisa ay taagan tahay ee Covid, mid ka mid ah dadkii sameeyay tallaalka Oxford-AstraZeneca ayaa arrintaasi ka digtay.

Prof Sarah Gilbert, ayaa waxa ay bixinaysay cashar, mar ay sheegtay in loo baahan yahay dhaqaale badan oo loogu diyaargaroobo in loogaga hortago in horumarka la gaaray uu meesha ka baxo.

Waxaa kale oo ay ka digtay in tallaalada la sameeyay aanay wax badan ka tari karayn nooca cusub ee Omicron ee cudurka Covid-19.

Sarah Gilbert ayaa intaasi ku dartay inay tahay in dadku ay digtoonaadaan illaa laga helo xog kale oo dheeraad oo ku saabsan nooca cusub ee cudurkan.

Waxa ay tiri: “Ma ahan markii ugu dambaysay ee uu fayras halis ku noqonayo nafteenna iyo maciishaddayadaba. Runta ayaa taas ah, waxaa suuragal ah in kan xiga uu midkan ka halis badnaado. Waxaa suuragal ah inuu noqdo mid midka hadda jira ka faafitaan badan, ama ka khatar badan, ama labadaba ku sifooba.

“Waa inaan ka hortagnaa inaan marno dhammaan waxyaabihii aan soo marnay, kaddibna khasaare dhaqaale oo ballaaran uu ina soo gaaro, sidaas oo ay tahayna weli dhaqaale buuran looma helin sidii loogaga hortegi lahaa cudurrada safmarka ah,” ayey ku dartay.

“Horumarka aan samaynay, iyo aqoonta aan helnay waa in aynaan lumin.”

Mar ay ka hadlaysay nooca cusub ee Omicron ee cudurka Covid-19, ayaa waxa ay sheegtay in fayraskaas uu wato wax sare u qaadaya inuu faafo.

“Illaa aan wax badan ka ogaanayno, waa inaynu taxadarnaa, oo aynu qaadnaa tallaabooyin aan ku xaddidayno faafitaanka noocan cusub.”

Sikastaba xaalku ha ahaadee, Sarah Gilbert, ayaa sheegtay in xanuun aan badnayn oo dadka ku dhaca aanay macnaheeda ahayn in qofka uusan uusan u soo dhul dhici karin cudurka amaba uusan u dhiman karin.

Sidoo kale waxa ay ku baaqday in habkii degdega ahaa ee loo sameeyay tallaalka iyo dawada intii uu jiray cudurka safmarka ah ay noqoto mid joogta ah.

Waxa ay sheegtay in aanay jirin sabab aanan loo samayn karayn tallaalka hergabka si meesha loogaga saaro halista hergabka dilaaga ah.

Fayrasyadu had iyo jeer way is beddelaan, iyagoo soo saara noocyo kala duwan ama noocyo cusub oo iyaga u gaar ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka, Fayrasyadu had iyo jeer way is beddelaan, iyagoo soo saara noocyo kala duwan ama noocyo cusub oo iyaga u gaar ah

Sabtidii dowladda UK ayaa waxa ay ku dhawaaqday in dadka safarka ku imanaya dalkaas ay haatan tahay in laga baaro cudurka ka hor inta aanay soo safrin arrintaas oo lagu xaddidayo faafitaanka nooca Omicron.

Laga bilaabo arooryada hore ee Talaadada ayaa dadka ay da’dooda ka wayn tahay 12-ka sanadood waxaa laga doonayaa inay la soo baxaan caddayn muujinaysa in 48 saacadood wax ka yar inta aanay soo safrin laga soo baaray cudurka.

Nigeria ayaa haatan waxaa lagu daray liiska dalalka ku jira Khadka casaanka ah kaddib markii xaalado sii kordhaya oo Omicron ah lala xiriiriyay dalkaasi.

Hasayeeshee saynisyahannada latalinaya dowladda ayaa sheegay in shuruucda la badalay ee socdaalka ay aheyd in mar hore la sameeyo oo haatan lala soo daahday.Prof Woolhouse ayaa BBCda u sheegay in nooca Omicron “uu si degdeg ah ugu fidayay” UK, haddii xaalka uu sidaas sii ahaado Koonfur Afrika todobaadyada iyo bilaha soo socda, ay suuragal tahay in noocaasi uu badalaba nooca Delta ee aadka ugu fiday caalamka.

Prof Sarah Gilbert ayaa horraantii 2020-kii bilowday samaynta tallaalka fayraska korona kaddib markii cudurkaasi uu ku soo shaacbaxay waddanka Shiinaha.

Tallaalka Oxford-AstraZeneca ayaa haatan ah mid si wayn dunida oo dhan looga isticmaalo, iyadoo doosas tallaalkaasi ah la geeyay in ka badan 170 dal.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media