RASMI: Imaaraadka Carabta oo fasaxii ka rafacay maalmaha Khamiista & Jimcaha

0

(Abuu Dabeey) 07 Dis 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay maalmaha fasaxa ah u wareejin doonaan Sabtiga iyo Axadda, halka maalmaha shaqada laga dhigayo 4 maalmood iyo bar, taasoo ka dhigan in Jimcaha oo ah maalin fasax ah dhanka Islaamka kala bar la shaqayn doono.

Dalkan saliidda ku hodonka ah ee Khaliijka ayaa sheegay in uu tillaabadan u qaaday si uu dhaqaalihiisa u waafajiyo wax lagu sheegay caalamka, waxaana nidaamkani dhaqan-gelayaa wixii loo gaaro 1-da Jannaayo 2022.

Shaqooyinka iyo howlaha bulshada sida iskuullada ayaa bilaabmaya Isniinta iyagoo soconaya ilaa 12:00 Jimcaha in yar uun kahor xilliga Salaadda Jimcaha.

”Waxaannu doonaynaa in aannu fududayno raacista hannaanka dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka fasaxan Sabtiga iyo Axadda, si aannu u yeelanno xiriir ganacsi oo caalami iyo fursado”. ayuu yiri Mohammed Ali Yasin, oo ah madaxa istaraatijiyadda Dowladda oo ka hadlayey Abuu Dabeey.

Hadalsame Media