20 qof oo iskugu jirta dhimasho & dhaawac kaddib markii ay booliisku gaari ku dhex daayeen dibedbaxayaal (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Dis 2021 – Ugu yaraan 5 qofood ayaa dhintay 15 kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii ay Booliiska Myanmar ay gaari SUV ah oo xawaaraynaya kusii dhex daayeen dibedbaxayaal ku sugnaa magaalada dalkaa ugu ballaaran ee Yangon.

Dadka ayaa dibedbaxa samaynayey saaka oo Axad ah, iyagoo sitey sawirrada hoggaamiyaha la ridey ee Myanmar ee Aung San Suu Kyi iyagoo sitey boor wayn oo ay ku qoran tahay: “Cabsida ka xoroow.”

Yeelkeede, dadkii oo jidadka maraya ayaa waxaa gadaal uga yimid gaariga oo dadkii qaarna jiirey qaarna ku xooray daafaha jidka, markaasoo ay kala carareen dadkii dibedbaxayey oo garan la’ halka looga yimid.

“Waan ku dhacay gaariga hortiisa. Askari ayaa qorigiisa igu garaacay balse waan iska difaacay oo dib u celiyay. Kaddibna waxa uu isla markiiba ii rasaaseeyey aniga oo cararaya qaab sigsaag ah,” mid ka mid ah mudaaharaadayaasha oo ay u suurtagashay in uu baxsado ayaa u sheegay Reuters.

Hadalsame Media