Macallin Masaari ah oo wadne xanuun u dhintay xilli uu u dabbaaldegayey gool ay kooxdiisu dhalisay dhamaadkii ciyaarta

0

(Qaahira) 05 Dis 2021 – Macallim Masaari ah oo 53-jir ahaa ayaa wadne xanuun u dhintay xilli uu u dabbaaldegayey gool ay kooxdiisu dhalisay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu kordhiyey.

Kooxda uu El Magd oo uu watey Adham El-Selhadar Aayaa goolka dhalisay daqiiqaddii 2-aad ee ciyaarta lagu daray (92-aad) iyagoo 1-0 uga badiyey El Zarqa kulan ka tirsanaa Heerka 2-aad ee dalka Masar Khamiistii.

Goolka ayaa dhaliyey dabbaaldeg culus, balse in yar kaddib qosolkii wuxuu isu rogey qamuunyo kaddib markii uu dhulka ku dhacay El-Selhadar oo uu wadnuhu istaagey iyadoo dhoolli loogula orday isbitaalka.

Waxaase markii isbitaalka la keenayba lagu dhawaaqay inuu geeriyoodey, iyadoo ay naadiyada waawayn ee dalkaasi markiiba bilaabeen inay u diraan dhambaallo tacsi ah.

Waxaana ka mid ah kooxda Ismaily SC – oo uu isla El Selhadar mar macallin u ahaan jirey, iyadoo ay haatan socoto dood ku saabsan la socodka caafimaadka dadka ciyaaraha ku lugta leh ee dalkaasi kaddib shilal noocan ah oo soo noqnoqday.

Hadalsame Media