Jilaa caan ah oo ”diidey” 35 milyan oo doollar oo uu ku qaadan lahaa shaqo hal maalin ah + Sababta

0

(Hadalsame) 05 Dis 2021 – Jilaaga caanka ah ee George Clooney ayaa sheegay inuu iska diidey qorshe uu ku heli kari lahaa $35 milyan oo doollar isagoo qabanaya shaqo hal maalin oo qura ah kaddib markii uu xaaskiisa la tashaday.

Jilaaga Hollywood ayaa intaa daba dhigay in dalabku uu uga yimid dhanka shirkad duullimaad oo aanu carrabaabin, balse markii uu arrintan wax ka waydiiyey xaaskiisa oo ah qarreen dhanka xuquuqul insaanka ah, wuu iska diidey.

“Waxaa la iisoo bandhigay 35 milyan oo doollar oo aan iidheh hal maalin ku samayn lahaa, balse waxaan aniga iyo Amal isla garannay inaysan istaahilin wax la qaato,” ayuu ku yiri Guardian.

“Waa dal waloow aannu xulufo nahay misna mararka qaar su’aalo la iska waydiiyo, marka waxaan is iri haddiiba aad daqiiqad ku hurdo seegayso ha qaadanin.” ayuu yiri isagoo aan dalka sheegin, waloow loo badinayo dalalka Khaliijka midkood.

Clooney, 60-jir, ayaa qaba Amal, 43-jir, oo uu guursadey 2014 iyagoo leh laba carruur ah oo mataano ah: Ella iyo Alexander, kuwaasoo dhashay Juun 2017-kii.

Hadalsame Media