Talyaaniga oo lagu qabtay nin gacan boombale ah u taagey kalkaaliye ka tallaalayey cudurka Covid-19

0

(Biella) 04 Dis 2021 – Nin Talyaani ah ayaa tegey xarun dadka lagu tallaalo isagoo xiran gacan macmal ah oo silicone ah, si uu u siro kalkaaliyeyaasha oo uu sidaa ugu qaato shahaadada COVID-19, sida ay sheegeen maamulka caafimaadku.

Ninkan oo 50meeyada ku jira, ayaa lagu ashtakeeyey booliiska magaalada woqooyiga ku taalla ee Biella, sida uu sheegay Barasaab-goboleedka Alberto Cirio, isagoo intaa raacshey in gacanta macmalka ihi ay runtii aad ugu ekayd jirkiisa kale.

“(Yeelkeede) midabka iyo taabashada ayaa shaki ku abuurtay kalkaaliyihii oo ka codsaday inuu gacanta soo wada saaro.” ayuu yiri Cirio oo falkan ku tilmaamay mid lagu qoslo balse aad khatar u ah.

Wakaaladda ANSA ayaa iyaduna xustay in ninka oo aan la magacaabini uu laftiisu yahay howlwadeen caafimaad, balse shaqadii laga joojiyey kaddib markii uu diidey inuu qaato tallaalka COVID-19 oo waajib ku ah dadka caafimaadka ka shaqeeya.

Hadalsame Media