Dowladda Kenya oo meelmarisay sharci cusub oo anfacaya qaxooti ay Soomaali u badan tahay oo dalkaa ku dhaqan

0

(Nairobi) 04 Dis 2021 – Qaxooti badan oo ku nool dalka Kenya ayaa soo dhoweeyey sharci cusub oo dalkaa laga hirgeliyey, kaasoo ku dhowaad nus milyan qaxooti ah oo dalkaa ku nool siinaya fursado ay ku helaan waxbarasho iyo shaqooyin.

Xeerka Refugees Bill oo saamaynaya 400,000 oo qaxooti ah oo Kenya ku dhaqan ayaa waxaa dhowaan saxiixay MW Uhuru Kenyatta, iyadoo Victor Odero oo ka titsan International Rescue Committee uu xeerkan ku tilmaamay mid awood-siin cusub u noqonaya qaxootiga.

“Horam uma jirin wax waajibaad ah iyo sharci dhigaya, in dowladdu ay fududeeyso soo saarista dukumeenti sharci ah oo markaas qaxootigu ay awood u yeelan karaan inay helaan horumar dhaqaale iyo dhexgal bulsho – si ay u noqdaan kuwo isku filan.” ayuu yiri Odero.

Awoodan cusub ee ay qaxootigu u yeelanayaan in ay dhexgalaan bulshada Kenya waxa sidoo kale soo dhawaysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga. Af hayeenka hay’adda ee Kenya, Eujin Byun, ayaa sheegay in tani ay ka dhigi doonto qaxootiga in ay dareemaan qiimo iyo karaamo ay ku leeyihiin guryahooda cusub.

Sharcigan cusub ayaa imaanaya xilli la qorsheynayo in sanadka soo socda la xiro labada xero ee ugu weyn Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof, kuwaasoo u badan dad kasoo cararay Soomaaliya ama Koonfurta Suudaan.

Odero ayaa sheegay in sharcigu uu gacan ka geysan doono in ay fududaato in la xiro xeryaha.

Hadalsame Media