Madaxwayne sheegay in dadka qaatay tallaalka Covid-19 ay halis ugu jiraan qaaditaanka AIDS-ka

0

(Brasilia) 04 Dis 2021 – Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa furtay baaritaan ku saabsan hadallo been abuur ah ee uu sheegay madaxweyne Bolsonaro kuwaas oo tibaaxaya in dadka laga tallaalay xanuunka Covid-19 ay halis sare ugu jiraan inay qaadaan xanuunka AIDS-ka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu hadalkan yiri isagoo oo tebin toos ah ka waday baraha bulshada, inkastoo markii dambe dambe laga masaxay baraha Facebook, YouTube iyo Instagram iyagoo adeegsanaya siyaasadahooda ka dhanka ah wararka been abuurka ah.

Mr Bolsonaro ayaa had iyo jeer shaki geliya waxtarka tallaalada fayraska koroona. Waxa uu durba wajahayaa baaritaan gooni ah oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka faafa ee fayraska koroona.

Intii lagu guda jiray tebinta tooska ah, Mr Bolsonaro wuxuu sheegay in “in dadka si buuxda looga tallaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan cudurka (Aid-ka)”. Sheegashada waxaa si adag u diiday saynisyahano iyo khubarada caafimaadka.

Isha: BBC

Hadalsame Media