“Waxaa lasoo qabtay qof loo haysto dilkii Mahad” – Wasiirka Ammaanka DF

0

(Muqdisho) 03 Dis 2021 – Wasiir Amniga DF Somalia, Cabdullaahi Max’ed Nuur, ayaa goor dhow qoraal ku xaqiijiyey in lasoo qabtay qof ku eedaysan dilkii Mahad Maygaag.

“Allah ha u naxariisto walaalkeen Mahad Cabdiraxman oo u geeriyooday dhaawici soo gaaray caawa,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Wasiirku.

“Waxaan mar kale shacabka u xaqiijinayaa in ciidamada amnigu soo qabteen qofki ka danbeeyay falkaas waxaana la horgayn doonaa cadaalada.” Ayuu raaciyey.

Booliiska ayaa sidoo kale horay u sheegay in ay soo qabteen eedaysane kale oo loo haysto dilka 2 dhallinyaro ah oo wada dhalatay.

Hadalsame Media