Aubameyang oo taageerayaasha Arsenal ku sameeyey arrin ay aad uga caroodeen!!

0

(Manchester) 03 Dis 2021 – Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa aad uga caraysiiyey taageerayaasha Gunners kaddib markii uu ”like” saaray sawir muujinaya Cristiano Ronaldo oo u dabbaaldegaya guushii Manchester United ay ka gaartey kooxdiisa.

Jookarka reer Portugese ayaa laba gool ka dhaliyey kulankii ay kooxda Ralf Rangnick 3-2 uga adkaatay Arsenal oo ay kula ciyaartay Old Trafford fiidkii xalay.

Yeelkeede, ciyaarta kaddib ayuu qannaaska Gabonese-ka ihi wuxuu sameeyey arrintan oo ka caraysiisey taageerayaasha oo Aubameyang ka filanayey inuu u dhaqmo sidii qof kabtan ah.

Hadalsame Media