Mashaqada dhacday waxaa kasii daran sida ay DF uga meermeerayso mas’uuliyaddeeda & su’aasha taagan

0

(Muqdisho) 03 Dis 2021 – Zakariye Max’ud Xuseen iyo walaashii Sowdo ayaa xalay lagu diley Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, balse weli cidna looma qabanin dilkooda.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in markii la dilayey ay xilligaa wax u doonayeen walaashood oo foolanaysey, iyadoo lagu diley Isgoyska Dabka oo ah bartamaha magaalada aadna ugu dhow hay’adaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada, Golaha Baarlamanka iwm.

Dhacdadan murugada xambaarsan oo mar kale kicinaysa dood ku saabsan sida la iskugu hallayn karo hay’aadka amaanka iyo ciidamada DF ayaa waxaa xigey hadallo badan oo muujinaya mas’uuliyad darro, iska warqab la’aan, foowdo iyo inaysanba dadka ammaanka u xilsaarani lahayn wax hab-raac cadaaladeed ah.

”Shacabka Gobolka Banaadir waxaan ka codsanayaa in nugu soo wargeliyaan ciddii ay falkaas uga shakiyaan lana shaqeeyaan hey,adaha amniga muddada aan baadi-goobka danbiilayaasha ku jirno,” ayuu soo qoray Cali Yare oo ah ninka Gobolka ugu xilsaaran ammaanka Muqdisho, iyadoo sida warkiisa laga dareemayo uu dadwaynaha waydiinayo inay iyagu doonaan qofka wax diley.

Waxaa kasii darran in Afhayeen u hadlay booliiska oo shir jaraa’id ku qabtay Saldhigga Booliiska Waaberi uu caddeeyey in gaariga dhibka gaystey ay leeyihiin ”Ciidanka Xoogga Dalka”, isagoo sii raaciyey in tiiyoo ay meesha ku taallo kaamiro ammaan isla markaana ay ciidanka uu ka tirsanaa ay aqoonsan karaan gaariga, aan misna wax wacaal ah weli laga haynin gaariga dilka gaystey.

Afhayeenka ayaa sidoo kale u muuqdey nin jidaynaya in jaamka jidadka rasaas lagu furto marka la eego qaabka uu hadalka u sheegayey. ”Gaariga oo isgoyska oo jaam ahaa si uu jaamka iskaga qaado rasaas hujiyey.” ayuu yiri.

Arrintan ayaa dilaysa ra’yigii uu faafinayey nidaamka haatan jira ee ahaa in ciidanka dib u habayn lagu sameeyey ciidanka maadaama sida falkan oo marar badan dhacay ka muuqata aanu dishibiliin jirin, waxaa kale oo yaab leh sida loo waayi karo gaari ay leedahay hay’ad ka tirsan DF Somalia.

Weliba gaari ciidan oo ay tahay in la ogaado meesha uu jiro, waxa uu ka qabanayey iyo inta qof ee saaran iyo waxa ay ciidan millateri ka samaynayaan jidadka shacbigu marayo?

Haddii aysan DF Somalia intan ka jawaabi karin waxaa muuqata in aan nidaam micne lihi jirin isla markaana aan la isku hallayn karin ciidanka la rabey inay ilaaliyaan ammaanka ummadda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media