Dadka sanadkan Stockholm lagu toogtey & booliiska oo ka hadlay qaabka loo qorsheeyo (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2021 – Intii lagu jirey sanadkan 2021, 23 qofood ayaa lagu toogtey ilaa 40 kalena waa lagu dhaawacay qayb booliiseedka Stockholm, waxaana gacan ka hadalkan sii kordhaya loo aanaynayaa khilaaf gudeed u dhexeeya hal koox ka tirsan kuwa gaysta dembiyada abaabulan amaba laba kooxood oo kala gedisan.

Mararka qaar waxaa qorshaha khaarajinta ah maleega qof uu ku kalsoon yahay dhibanuhu sida ay sheegayso Anna Rise, madaxa qaybta sirdoonka booliiska gobolka Stockholm oo u warrantay Ekot.

“Qaar ka mid ah dilalkan waxay amranaayeen ama la qorsheeysnaayeen muddo dheer, kaddib waxaa la sugayaa in uu qofku yimaado aaggooda, kaddib marka uu yimaado baaq ayaa la dirayaa sidaa ayaana lagu tooganayaa, ” ayay tiri Anna Rise. Karl Mallberg

Anna Rise ayaa intaa raacisay in dilalka loo fuliyo qaabab kala geddisan, mararka qaar waxaa la ijaartaa qof khamarji ah, halka mararka kale khaarajinta loo xilsaaro qof ka mid ah shabakadda, waxaana la adeegsadaa sahan caadi ah iyo agabyo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa qofka bartilmaameedka ah oo ay ka mid yihiin GPS.

Kaddibna qof ku dhow bartilmaameedka ayaa wargelinaya qofkii loo xilsaaray inuu qofkan khaarajiyo, isagoo tusaale ahaan u sheegaya halka uu joogo, sida ay tiri Anna Rise.

Hadalsame Media