DHEGEYSO: Booliiska Sweden oo la siinayo awoodo dheeraad ah sida inay xoog ku akhriyaan xitaa farriinta ay isu diraan dadka is qaba ama qoysaska

0
Stockholm, Sweden - September 17, 2017: Group of uniformed Swedish male police officers talking to a little dark haired child in the city center

(Hadalsame) 01 Dis 2021 – Dowladda ayaa maanta soo bandhigtay dhowr hindise oo ay ku jirto in xoog la adeegsado si cadaymo loo helo, waxaana ka mid ah in xoog lagula wareego xogaha ku kaydsan adeegga cloud-ka ama server-da ka baxsan kombiyuutarka.

Waxaa sidoo kale hindisaha ka mid ah in meesha laga saaro xayiraadda booliiska ka saaran inay galangal u yeeshaan farriimaha ay is dhaafsanayaan dadka isu dhow sida kuwa is qaba ama qoyska ah, iyo inay xitaa la wareegaan telefoonnada u baahan in suulka lagu furo ama wejiga la tuso.

Waxaa hindisahan ka hadlaya Morgan Johansson, Wasiirka Cadaaladda & Socdaalka Sweden.

“Qofka eedaysanaha ah ayay waajib ku tahay in la shaqayn muujiyo oo tusaale ahaan telefoonkiisa furo, haddii uu diido waxaa la adeegsan karaa xoog, “says Morgan Johansson.

Hadalsame Media