Messi ama Ronaldo kee ayuu Sergio Ramos xalay ku taageeray inuu hanto Ballon D’or?!!

0

(Hadalsame) 30 Nof 2021 – Sergio Ramos ayaa muujiyey qofka uu taageersan yahay kaddib markii uu sheegay in Lionel Messi uu mudan yahay inuu hanto Ballon D’or oo uu xalay ku guulaystey.

Jookarka reer Argentine ee Messi ayaa sanado badan ahaa cadowga Ramos markii ay labada laacib u kala safan jireen Real Madrid iyo Barcelona sida ay u kala horreeyaan.

Yeelkeede, xagaagan ayuu Messi wuxuu Barcelona u waydaartey Paris Saint-Germain, halkaasoo uu Ramos laftiisu usoo raacay.

Labada laacib oo haatan isku koox ah ayaa keentay in Ramos uu Messi ku taageero inuu Cristiano Ronaldo ka qaado abaalmarinta uu laacib kasta ku riyoodo ee Kubbadda Dahabiga ah.

Mar uu arrintan ka hadlayey ayuu Ramos ku yiri ESPN: “Messi waa nooca laacib ee had iyo goor farqiga sameeya, waana taageersan ahay inuu hanto Ballon D’or, waayo waan difaacayaa laacibkii igu koox ah.”

Ramos ayaa kulan-bilowgiisii u saftay Paris Saint-Germain kulankii ay Axaddii 3-1 ku dirqisay kooxda Saint-Etienne oo uu ni roose ka qaatay.

Hadalsame Media