Sweden oo ay maanta ka dhaqangeleyso shahaadada tallaalka Covid & shuruudaha ay ku waajibayso (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2021 – Wixii maanta ka bilowda, waxaa qofkii tegaya meel ay iskugu imanayaan ugu yaraan 100 qofood lagaga baahan yahay shahaadada tallaalka cudurka Covid-19 ee caddaynaysa inuu qofku wada qaatay labada tallaal.

Meelaha shuruuddaasi ka shaqaynayso waa sineemooyinka, tiyaatarrada, ruwaayadaha, dhacdooyinka ciyaaraha, meelaha lagu caweeyo iwm.

Dadka shuruudahani khuseeyaan waa wixii ka wayn da’da 18-jirka oo laga doonayo caddaynta tallaalka, ama tijaabo muujinaysa inuusan cudurka qabin, waxaa kale oo la aqbalayaa qofkii kasoo bogsadey cudurka Covid-19.

Waxaa kale oo la aqbalayaa qofkii keena caddayn dhakhtar oo muujinaysa inay jirto sabab caafimaad oo aan u saamaxaynin in uu tallaalka qaato.

Hadalsame Media