”Ma aha inaad xayiraad lasoo degdegtaan!” – MW Koonfur Afrika oo dunida la garramay & arrin uu farta ku fiiqay

0

(Pretoria) 30 Nof 2021 – MW South Africa ayaa cambaareeyey go’aanka lagu mamnuucay duullimaadyadii tegayey dalkiisa iyo xitaa kuwa deriska la ah kaddib markii halkaa laga helay nooca is dhalan-roga ee coronavirus ee loo ayqaan Omicron, sida ay sheegtay BBC.

MW Cyril Ramaphosa ayaa sheegay inuu “si qoto dheer uga niyadjabay” tillaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid cadaalad darro ah isagoo ku baaqay in dalkiisa dhaqse looga qaado xayiraadaha safar ee ay dunidu saartay. Waxaa ugu horreeyey dalalka EU, UK iyo USA.

“Waxa qura ee ay xayiraaddani samaynayso waa in ay burburiso dhaqaalaha dalalka uu cudurku ku dhacay taasoo sii wiiqaysa tabartii ay kula tacaali lahaayeen oo uga soo kaban lahaayeen,” ayuu ku qayliyey.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in wax laga qabto cadaalad darrada tallaalka oo ay haatan inta badan iska tallaaleen dalalka hodanka ah, isagoo sheegay in inta ay taasi jirto aan laga fursan doonin inay soo baxaan noocyo cusub oo dhalan-rogan, iyadoo uu Ramaphosa dhanka kale dadka dalkiisa oo tallaal ku filan haysta ku boorriyey inay is tallaalaan, si loola dagaallamo fayruskan.

Hadalsame Media