DAAWO: Muuqaal laga arkayo dayuurad dagaal oo ay Ingiriisku leeyihiin oo burburaysa isla markii ay ka haaddo markabka HMS Queen Elizabeth

0

(Hadalsame) 30 Nof 2021 – Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadalhayn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth, sida ay qortay BBC Somali.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda.

Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo.

Muuqaalka – oo lasoo dhigay Twitter-ka – waa mid noociisa ay adag tahay in la arko, waxaana uu u muuqdaa in laga soo duubay diyaaradda F-35 diyaaradda oo afka cirka u jeedisay xilli ay damacsaneyd inay ka duusho gegida markabka dushiisa ah.

Xilliga ay duuleysay, halkii ay xawaare dheereeya ku ordi lahayd, diyaaraddu waxay sameysay gaabis waxayna toos ugu dhacday biyaha.

Muuqaalka – oo u eg mid ay duubtay mid ka mid ah kaamirooyinka kormeerka ee markabka ku rakiban – ayaa laga arkayaa duuliye ka boodaya diyaaradda.

Ilbiriqsiyo kaddib marka ay diyaaraddu miriqdo, waxaa la arkayaa dallaayad dul dabeyneysa biyaha badda, meel ku aaddan dhinaca hore ee markabka qaada 65,000 ee tan.

Xiili hore oo bishan dhexdeeda ah, Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in uu dhacay burbur diyaaradeed duuliyihiina uu ka badbaaday.

Hadalsame Media