Gabar Soomaali ah oo baratay mihnad ay raggu u badan yihiin oo laga hadalhayo dalka Ingiriiska

0

(Liverpool) 30 Nof 2021 – Muna Xersi, oo ku nool Toxteth, ayaa ka mid ah noqotay 4 haween ah oo ka qalin jebiyey dufcaddeedii Jaamacadda Kingston University London sanadkan 2021, iyadoo baratay Mechanical Engineering.

Gabdhaha injinneerrada ah ayaa qiyaastii 11% oo qura ka ah suuqa shaqada sida ku qoran tirakoobka webka British Engines, balse Muna ayaa sheegtay inay dumarka ku dhiirrinayso inay mihnaddan oo ay raggu u badan yihiin soo galaan.

Waxay sheegtay in howsha ay inta badan ku qabtaan shaybaarka iyo kombiyuutarka oo aanay jirin wax culays ah oo ay qaadayeen dhamaanba intii ay waxbarashada ku jireen.

“Aniguba dumar ayaan ahay waxaana rajaynayaa inay door ku yeeshaan mihnaddan.” ayay tiri Muna oo sheegtay in qaybta injinneeriyadda jaamacaddeeda ay 21% oo qur ihi haween ahaayeen, taasoo 9% oo qura usii dhacday markii dambe.

Dugsiga hoose ee Toxteth Primary School, ayaa carruurta la waydiiyey in ay farta ku taagaan 8 qofood oo ay Muna ku jirtey si ay u qiyaasaan koodii ka shaqeeya injinneeriyadda, kulligoodna raggii ayay farta ku fiiqeen.

“Waxaan la kulmay haween injinneerro ah kuwaasoo igu dhiirrigeliyey inay cayrsado mihnaddan.” ayay tiri Muna oo horay ula soo shaqaysay F1.

Hadalsame Media