Kenya oo caddaysay waxa ay ka yeelayso duullimaadyada caalamiga ah ee halkaa taga xilli uu soo kordhay nooc cusub oo Covid ah

0

(Nairobi) 29 Nof 2021 – Kenya ayaa sheegtay in aanu qorshe deg deg ihi uga degsanayn inay hakiso duullimaadyada caalamiga ah kaddib markii uu soo baxay nooca cusub ee Covid-19 ee dhalanka rogan.

Wasiirka Caafimaadka Kenya (PS), Susan Mochache, ayaa sheegtay in ay isha ku hayaan dhamaanba xadadka laga soo galo dalkaasi si ay ula socdaan faafitaanka noocan cusub ee Omicron.

Waxay intaa raacisay in taasoo jirta misna loo baahan yahay in uu shaqeeyo dhaqaalaha dalku, waxayn iyada oo ka hadlaysa dugsiga hoose ee Nyaura Primary School oo ku yaalla is maamulka Kisii County ay dadka u sheegtay inaysan cabsanin.

Dunida ayaa ka walaacsan noocan cusub oo uu hidde-sidkiisu u taxan yahay B.1.1.529, iyadoo ay dalal badani joojiyeen duullimaadyadii ka iman lahaa dalal dhaca koonfurta Afrika sida Zimbabwe, eSwatini, Namibia, Lesotho, South Africa iyo Botswana.

Hadalsame Media