”Waxaan maagannaa qorshe ballaaran!” – Wiil weeraray iskuul ku yaalla Sweden oo qirtay arrin uu qorsheeyey (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 29 Nof 2021 – Laba todobaad kahor weerarkii uu wiil 15-jir ihi ku qaaday dugsiga Källebergsskolan ee Eslöv, ayaa waxaa kasoo korodhay wiilka oo qiranaya inuu tirtiray qorshe uu u dejiyey weerarka oo kombiyuutarkiisa ku jirey xilli ay booliisku xaafaddiisa ku sugnaayeen oo ay waalidkii la hadlayeen.

”Waan maqli karayey inay booliiska yihiin, markaa waxaan kombiyuutarkayga ka tiray wax kasta oo ku saabsanaa qorshaha weerarka oo ahaa mid aad u ballaran oo xitaa sawirro badan lahaa.” Ayuu ku yiri Dacwad-ooge Pernilla Nilsson oo ka tirsan Maxkamadda Lund.

Booliiska ayaa farriin wargelin ah wuxuu 7-dii Agoosto ka helay Booliiska Federaalka Maraykanka ee FBI, kuwaasoo Booliiska Sweden u sheegay inuu wiilkan 15-jirka ihi uu internet-ka ku qoray inuu weerarayo iskuul ku yaalla Australia.

Hadalsame Media