Erdogan oo muddeeyey xilliga uu booqanayo Imaaraadka & laba dal oo kale oo ay xurgufi kala dhaxaysey oo….

0

(Ankara) 29 Nof 2021 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu qorshaynayo inuu booqdo Imaaraadka Carabta bishii Febraayo, kaasoo noqon doona kii ugu horreeyey muddo 10 sanadood ah xilli ay labada dal doonayaan inay inay xiriirkooda hagaajiyaan.

Erdogan ayaa weriyeyaal u raacay booqashadii Turkmenistan u sheegay in booqashada Amiirka Mohammed bin Zayed ee Ankara todbaadkii tegey ay ku dhacday “jawi qoysnimo.”

“Kulankeenni si wanaagsan ayuu ku idlaaday. Waxaana doonaynaa in aan qaadno tillaabo aan ku furayno bog cusub. Haddii Alle idmo waxaan Imaaraadka booqanayaa bisha Febraayo.” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Wasiir Dibadeedka Mevlut Cavusoglu iyo Madaxa Sirdoonka Hakan Fidan ay booqasho gogol xaar ah Abuu Dabeey tegi doonaan inta aanu isagu booqanin.

Dalka Imaaraadka ayaa heshiis ku kacaya $10bilyan oo doollar oo ay ku maalgashanayaan dalka Turkey isagoo tilmaamay in Turkigu ay doonayaan inay wanaajiyaan xiriirrada ay la leeyihiin dalalka Masar iyo Israel oo uu Danjireyaal u diri doono.

Hadalsame Media