Wax badan ka ogow nooca cusub ee Covid-19 ee Afrika kasoo shaac baxay (Baxaalliyada uu uga duwan yahay kii hore)

0

(Hadalsame) 27 Nof 2021 – Noocaan cusub ee koroonaha oo laga helay dalka Koonfur Afrika ayaa walaac wayn ku abuuraya adduunka oo idil.

Fayraskan cusub oo ah nooc is dhalan rogey ayaa waxa uu ka kooban yahay borotiinka loo yaqaan SPIKE oo uu fayrasku u isticmaalo si uu jirka u galo, kaasoo sidoo kale ah borotiinka uu tallaalku bartilmaameedsado marka uu fayruska weerarayo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa soo ogaatey jiritaanka noocan oo hide-sid ahaan u taxan qaabka B.1.1.529 kaasoo ah Covid-19 dhowr jeer is dhalan rogey oo loo bixiyey Omicron.

Khubarada caafimaadka ee QM ayaa sheegaya in cudurka Covid ee ka dhalanaya noocan cusub oo ilaa 30 jeer is dhalan rogey uu ka faafi ogyahay noocii horay dadka uga qaylisiiyey ee Delta variant.

Wuxuu sidoo kale adkaysi u leeyahay nooc kasta oo ka mid ah tallaalada haatan jira, waloow ay shirkado ay ka mid yihiin Pfizer ay durba ku dhaqaaqeen tillaabo ay wax uga bedelayaan qaabkii uu tallaalkii hore ula fal-geliyey barotiinka fayruska.

Feyruskan ayaa khalkhal geliyay safarrrada adduunka iyo suuqyada saamiyada, waxaana durba la hakiyey duullimaadyadii ka imanayey dalal badan oo dhaca Koonfurta Qaaradda Afrika, kuwaasoo uu ka mid yahay dalka magacan qaata oo uu cudurkani kasoo fufay laftiisu.

Hadalsame Media