Kaddib film-kii ”Xaaskii Qabri-qodaha”, mid kale oo Soomaali ah oo soo jiitey indhaha caalamka (Qiso micne badan oo uu sido)

0

(Nairobi) 27 Nof 2021 – Film-ka cusub ee “Ayaanle”, jilaa Soomaaliyeed oo ku nool xaafadaha faqriga ah ee Nairobi ayaa ku riyoonaya inuu ku biiro Hollywood, balse wuxuu is nacayaa marka waxa uu abid jilaaba ay noqdaan burcad badeed ama argagixiso.

Film-kan oo soconaya 90-daqiiqo laguna wado in la daawado bisha Febraayo ee soo aaddan, ayaa doonaya inuu raaco guushii film-ka kale ee Soomaaliga ah ee The Gravedigger’s Wife, oo uu sameeyey soo saare Soomaali- Finnish ah, waana kii ugu horreeyey ee muddo 30 sanadood ah lagu dhigo Tiyaatarka Qaranka Somalia ee Muqdisho.

Film-ka ayaa lagu dhigay xaafadda Eastleigh, oo ay deggan yihiin qoysas badan oo Soomaali ah, waxaana muuqaalka Ayaanle metelaya jilaaga Soomaali-Maraykanka ah ee Barkhad Cabdiraxmaan, oo ku caan baxay film-kii Academy Award-ka loo magacaabay ee “Captain Philips” oo uu jilaaga 1-aad ka ahaa Tom Hanks, iyo “Watu Wote” oo lagu sameeyey Kenya.

Sheekada ayaa ku saabsan, Ayaanle oo is baraya lahjadda Maraykanka, taasoo kusoo jeedinaysa askarta Kenyan-ka ah ee laaluush doonka ah oo moodaya in uu qurbaha ka yimid oo uu lacag ku fadhiyo.

Si uu usoo dhacsado lacagihii ay booliisku ka baadeen wuxuu iska dhigayaa xubin ka tirsan kooxda Shabaab isagoo siraya weriye reer Galbeed ah oo uu ka qaadanayo $500 oo doollar.

Yeelkeede, booliiskii ayaa garanaya waraysigiisa taasoo qoorta u gelinaysa unugyada gaarka ah ee argagixisada la dagaallama. Halkan kasii akhri…

Hadalsame Media

Facebook Comments