Doorashada Somalia oo ku socota qaab la isla qoslayo hoostana la iska khiyaamayo (Imisa ayay la go’day oo sii geddiyey?)

0

(Hadalsame) 27 Nof 2021 – Maalinba qolo ayey guushu qoortooda ka baxeysaa, DANI & MADOOBE waxey ciyaarayeen qorsho cajiib ah tan iyo markii ay murashixiintu Farmaajo ku hoobteen,Lkn markeey isyiraahdeen yoolkiinii waad gasrteen ayey uga baxeen balamihii murashixiinta kale.

QOOR QOOR oo qorshaha DANI laf dhuungadhay ku ahaa ayaa DANI waxa uu u degay qorsho kale waxa uuna ku soo hubeeyay EHLUSUNNA, sidoo kale wuxuu BOHOL soo geliyay Hub iyo gaadiid dagaal isagoo iska dhigaya inuu dagaalka ALSHABAAB ku garab taagan yahay GALMUDUG.

Dhanka kale markii ay xisaab qaldan uga soo baxaday doorashadii Aqalka Sare ayuu DANI qorsheeyay in doorashada Aqalka Hoose laga dhigo hal deegaan doorasho, arintaas waxaa u riyaaqay MADOOBE, madaama Dani iyo madoobe ay rabeen iney doorashada Puntland iyo Jubaland ku kala qabtaan Garoowe iyo Kismaayo, mar hadii aaney awood ulaheyn iney boobaan kuraasta taal Boosaaso iyo Gerbahaareey.

Sheekadaas waxey rabeen iney ka gadaan madaxda kale ee Maamul Goboleedyada, balse QOOR QOOR oo furasadaas ka faa’ideysanaya ayaa degdeg u bilaabay doorasho labo deegaan ka dhaceysa. DHUUSAMAREEB & GAALKACYO.

Halkaas markeey taagan tahay, Dani waxa uu ciyaaray Plane B , wuxuuna faragelin toos ah iyo xil ka qaadis ku sameeyay taliyayaashii ciidanka PSF si uu awood ugu maroorsado kuraasta taala Boosaaso, lkn folkaano kale ayaa ku qarxay oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto,

Sikastaba ha ahaatee Axmed madoobe oo doorashadii Aqalka Sare bilaabay haatan uma sahlana inuu Aqalka Hoose bilaabo waayoo DANi ayaa quful ku xirtay waana sababta ay labadaan maamul ay u noqon doonaan kuwa ugu dambeeya ee doorashada qaban doona, tankale doorashadaan waxaa lagu kala aarsanayaa xoog iyo xeelad, waxaana sugeynaa waxa ay sameeyaan DANI & MADOOBE.!!

Maxaa yaab isdabayaal?!
W;Q: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media