DHEGEYSO: Xisbiga soo galooti diidka ah ee SD oo sheegay inay doonayaan hoggaaminta Sweden

0

(Hadalsame) 27 Nof 2021 – Xilli ay siyaasadda Sweden bartanka uga jirto qaaquullo culus & xasarad, ayay xisbiga soo galooti diidka ah ee SD waxay u dabbaaldegayaan guushoodii ugu horreeysey kaddib markii ay guulaysatey miisaaniyad ay isla soo diyaariyeen iyaga iyo xisbiyada KD iyo M oo hor taalley Aqalka Riksdag.

Åkesson ayaa sidoo kale mar barnaamijka P1-morgon lagu waydiiyey wasiirka uu dooran lahaa haddiiba ay fursaddaasi soo marto ka hadlay hankiisa siyaasadeed ee ku aaddan inuu xitaa doonayo inuu noqdo RW Sweden.

“Waxaan ahayn hoggaanka xisbi wayn, marka waxaan ku han wayn ahay inana noqdo RW Sweden.” ayuu yiri Åkesson.

Hadalsame Media