Turkiga oo dalkii ugu horreeyey ka iibiyey dayuuradda T129 & sababta uu fasax uga baahday Maraykanka + Sawirro

0

(Ankara) 25 Nof 2021 – Dalka Filibiin ayaa heli doona dayuuradda sahanka istaraatijiga ah iyo weerarka samaysa ee T129 ama ATAK ee uu sameeyo Turkigu bisha soo socota, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dalka Koonfur-bari Aasiya.

Dalkani waxa uu dalbaday 6 ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay diyaariyeen shirkadda diyaaradaha ee Turkish Aerospace Industries (TAI), kuwaas oo si tartiib tartiib ah loo keeni doono bisha Diseembar, sida uu sheegay taliyaha xilka haya ee ciidamada cirka ee Filibiin, Jen. Allen Trio Paredes.

Paredes waxa uu warkan kaga dhawaaqay degelkiisa warbaahinta bulshada.

Filibiin ayaa iibsanaysa diyaaradahan oo uu qiimahoodu dhan yahay $280 milyan (TL 3.37 bilyan) – waana waddankii ugu horreeyay ee dibadda ah ee isticmaala dayuuradaha qumaatiga u kaca ee ATAK, kaddib markii uu Maraykanku ogolaaday shatiga dhoofinta dayuuradahan uu Turkigu sameeyo bishii Maajo, maadaama ay isticmaasho matoor Maraykan.

Wasiirka Difaaca Philippines, Delfin Lorenzana, ayaa Diseembar 7, 2018, in waddankoodu uu marka hore iibsan doono 6 helikobtar T129 ah kaddib heshiis is afgarad ah (MoU) dhexmaray Ankara iyo Manila, kaas oo dib u dhac ku yimid xannibaadda shatiga dhoofinta dartii.

Matoorka dayuuradahan T129 ayay iska kaashadeen shirkad Maraykan ah oo Honeywell la yiraahdo iyo shirkadda Ingiriisa ah ee Rolls-Royce waana nooca LHTEC T800-4A, kuwaas oo laba-labo ugu rakiban helikobtar kasta, sidaa darteed, waa in fasax laga helaa.

TAI ayaa ilaa hadda gaarsiisay 61 diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca oo ah T129 ATAK, waxay gaarsiiyeen taliska ciidamada dhulka ee Turkiga, taliska guud ee Gendarmerie iyo taliska guud ee nabadsugida Turkiga.

Hadalsame Media