Maxay tahay khatarta ka imaan karta haddii la boobo doorashada dadban ee Somalia?!!

0

(Hadalsame) 25 Nof 2021 – Maalmihii la soo dhaafay waxaa socotay doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiyada doorashooyinka dadban ee Galmudug iyo kuwa xildhibaannada Waqooyi ayaa soo doortay qaar ka mid ah xubnihii labadaa dhinac ku meteli lahaa Aqalka Hoose.

Dhanka kale, waxa isasoo taraysa qaylo dhaanta ku aaddan madmadawga ku jira geeddi socodka doorashada.

Waxaana ilaa iyo hadda jira kuraasi lagu muransanaa oo la doortay.

Warbixin ay soo saartay hay’adda cilmibaadhista ee Heritage ayaa ka mid ah dhinacyada ka digay halista ka dhalin karta in la boobo doorashada dadban ee ka socota Soomaaliya.

Warbixintan ayaa ayaa ay ciwaan ugu dhigeen “Khataraha ka Ima kara ku shubashada doorashada dadban ee Soomaaliya.”

“Haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani, ku sii socoto mid aan la hubin, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay hordhaca warbixintaas.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay heerar badan, iyada xilliyadii hore uu qorshahu ahaa qabashada dooraso qof iyo cod ah, ka hor intii aan xaqiiqadu ka hor iman oo la isla qaadan in aanay suuragal ahayn in xilligan la galo doorasho qof iyo cod ah.

Haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani sii socoto, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawladnimada Soomaaliya.
Warbixinta
Machadka Heritage

Kolkii qorshahaasi fashilmay heshiisyo siyaasadeed oo taxane ahaa oo dhexmaray madaxda dawladda federaalka iyo kuwa Maamul Goboleeddada ayaa markii danbe lagu gaadhay in dalku doorasho dadban.

Xaaladda doorashada Somaaliya ayaa marar badan gaadhay xalad gacan ka hadal, sida xilliyadii ay magaalada Muqdisho ka abuurmeen ciidammadii iyo malleshiyaadkii isugu yeedhay Badbaado Qaran, kuwaas oo sheegay in ujeedkoodu ahaa in ay dalka badbaadiyaan ‘muddo korodhsi”.

Ra'iisul Wasaare Rooble iyo guddoomiye Cirro

XIGASHADA SAWIRKA, OPMSOMALIA

Maxaa daahiyey doorashada

Machadka cilmibaadhiseed ee Heritage ayaa qaba daahitaankaan cusub ee doorashada in ay keeneen saddex qodob oo is birsaday.

“Tan kowaad, waa isqabqabsiga awoodeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ee salka ku haya maamulka hay’adda sirdoonka iyo kiiska sarkaaladda la la’yahay ee Ikraan Tahliil. Ta labaad, waa hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qarankaoo aan soo bandhigin rabitaankooda siyaasadeed ee ku aaddan hirgalinta doorashooyinka dadban. Ugu danbayn, hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa qilaafka iyo kala qaybsanaanta u arkay jid ay ku kasban karaan taageerada maaliyadeed ee ay bixiso beesha caalamku.” ayaa lagu yidhi warbixinta Heritage.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka, Cusmaan Abuukar Dube iyo afhayeenka guddiga doorashada waxay labaduba adeegsadeen erayga “doorasho dadban” oo sheegeen in uu sabab u yahay daahitaanka doorashada ee markii hore iyo dardargelinta hadda la sameynayo labadaba.

“Waad ogtihiin doorashadu waa doorasho dadban, doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda.”

“Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd, qayb ka mid ahna waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro, oo BBC-da la hadlay ayaa tilmaamay in cabashooyin dhowr ah ay soo gaareen guddiga.

“Laakiin mar walbaa waa in la maro hababka doorashada loogu talagalay ee cabashadooda lagu xallinayo,” ayuu yidhi

Guud ahaanba cid kasta oo cabaneysa waa in la fiiriyo, looguna talagalo in la qancin karo. Haddii ay cabashadooda ay sax tahay wixii ay xaq u leeyihiin laga qabto, haddii ay iyaga laftigoodu wax ka qaldan yihiina la sixi karo oo la oran karo ‘kanna xaq baad u lahaydeen, kanna xaq uma lihidiin’.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa

Hannaanka doorashada ayaa u muuqda mid dardar ku socda

Qoraalka sawirka, Hannaanka doorashada ayaa u muuqda mid dardar ku socda

Khatarta ka dhalan karta

Warbixinta Heritage ayaa lagu sheegay in xaalka uu xumaadaa oo u horseedi karo rabshado cusub.

“Haddii aan la saxin hannaanka doorashooyinka loo qabanayo, waxaa hubaal ah in ay doorashada ka dib dhacaan rabshado, waana cabsi jirta. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay joojiyaan dhagarta iyo danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin arrimaha siyaasadda. Cid kasta dan baa ugu jirta in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.”

Dhanka kale, qaar ka mid musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaas waxa ay iyana dhankooda ka dayriyay sida wax u socdaan.

Waxaana ay sheegeen in ay maalmaha soo aaddan samayn doonaan la tashiyo, iyaga oo qaadi doona tallaabo haddaan sida wax u socdaan isbeddelin.

Waxaana jira walaac laga qabo in ay dhici karto in doorashooyiin iska soo horjeeda la qabto, haddii aan heshiis laga gaadhin khilaafka hadda taagan ee la xiriira.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media