”Qiyaas ilmo aad juhdi gelisey oo aad dugsi u dirtay ee lagu yiri waa la qarxiyey!” – Mid ka mid ah waalidiinta ilmaha Dugsiga Mucasir + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Nof 2021 – Waxaa saaka qaran ay dad rayid ihi ku waxyeelloobeen uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu qarxey gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qofood halka ay ku dhaawacmeen 17 qof oo kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Haddaba, waxaa uu qaraxaasi waxyeello ba’an gaarsiiyey arday dhiganaysey Dusgiga Mucasir oo ku yaalla aagga uu qaraxu ka dhacay.

”Bal qayaas waalid intaas oo sano juhdi iyo dadaal soo galiyay awlaadooda inay wax bartaan dalkaan iyo dadkaba wax taraan saakayna loo soo sheegay qarax inuu haleelay iyadoo ay u dheer tahay inay ka fakarayaan nolol maalmeedkooda iyo qidmada iskuulka oo bishuba ay gabo gabo tahay balse saakay xanuun iyo isbitaal loo raaciyay.” ayuu yiri Cabdifataax Maxamed Cilmi oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtu u dhigtaan dugsiga la qarxiyey.

Hadalsame Media