Macallinka Chelsea oo ka sheekeeyey xeeshii uu xalay ku diley kooxda Juventus

0

(London) 24 Nof 2021 – Macallinka Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa amaanay bandhigga kooxdiisa oo xalay 4-0 ku xaaqday kooxda Juventus 4-0 oo ay isku wareeg kaga jiraan Champions League.

Kooxda Bianconeri ayaa horayba ugu soo baxday wareegga 16-ka, balse waxay labada naadi hardan ugu jireen toodii kaalinta 1-aad kusoo baxaysa taasoo aragti ahaan lagu helo koox sahlan wareegga 16-ka.

Yeelkeede, Blues oo 1-0 looga soo badiyey kulankii Torino ayaa si wanaagsan isu bartay kooxda Bianconeri oo ay hilfaha ugu qaadday 4 gool oo ay ansixiyeen Trevor Chalobah, Reece James, Callum Hudson-Odoi iyo Timo Werner.

“Waxaan doonayney in aan kordhinno hab la dhaca iyo xoog-dhaqaaqa ciyaarta, taasoo noo sahashey in aannu fursado badan abuurno oo qaar dhalinno.” ayuu Tuchel ku yiri BT Sport isagoo sheegay inay halis qaateen si ay uga fiicnaadaan sidii ay ahaayeen kulankii Torino.

Hadalsame Media