RW Sweden oo 7 saacadood kaddib iska casishey xilkii loo doortay (Yaa hadda RW ka ah Sweden?)

0

(Stockholm) 24 Nof 2021 – RW cusub ee Sweden ee Magdalena Andersson oo maanta uun loo codeeyey ayaa is casishey 7 saacadood oo qura kaddib markii ay xilka u doorteen xildhibaannada Baarlamanka Riksdag.

Andersson oo hadda dhow shir jaraa’id ku qabatay gudaha Baarlamanka ayaa tiri. ”Maanta wuxuu Baarlamanka Riksdag ii doortay in aan dhiso xukuumad wadaag ah, balse  aniga ahaan waxaa muhim ii ah xurmada waayo ma doonayo in aan hoggaamiyo dowlad ay doodi ka joogto sharciyaddeeda,” ayay tiri.

Waxay intaa raacisay in uu hab-raacu dhigayo in ay dowladda wadaagga ihi dhacayso haddii uu xukuumadda ka baxo mid ka mid ah xisbiyada xulufada ah, iyadoo ula jeedda xisbiga MP oo ka baxay xukuumadda.

Andersson ayaa se xustay in ay afhayeenka baarlamanka ee Anderas Norlén u sheegtay inay weli xiisaynayso inay hoggaamiso xukuumad ka kooban hal xisbi oo ah midka S.

Haddaba yaa dalka Sweden RW ka ah haatan ayuu weriye ajnabi ihi shirka jaraa’id ku waydiiyey Magdalena Andersson – oo warkiisa qosol wayn uga jawaabtey iyadoo leh.

”Weli xafiiska lama wareegin marka waxaa weli RW ah Stefan Löfven oo hoggaamin doona xukuumad KGM ah.” ayay ku warcelisey Magdalena Andersson.

Hadalsame Media