Cillad laga helay dayuurad uu raaci lahaa MW Maraykanka ee Joe Biden

0

(Washington, DC) 24 Nof 2021 – Dayuurad dhowaan loo dhisay MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa la fariisiyey durba kaddib markii uu Pentagon-ku ka helay cillad farsamo, mana cadda xilliga dib loo hagaajin doono.

Waxaa sidoo kale dib u dhacay xilligii uu diyaaraddan raaci lahaa MW Biden, iyadoo ay diyaaradda samaysay Lockheed Martin Corp., waxaana ay cilladu soo baxday kaddib markii tijaabada farsamo la marsiiyey dayuuradda oo weliba la fasaxay in la isticmaali karo, sida ku dhigan Bloomberg.

Dayuuraddan oo $217 milyan oo doollar ku kacday ahna nooca qumaatiga u kaca ee VH-92 ayaa qayb ka ah mashruuc ay ku baxayso $5 bilyan oo doollar oo lagu casriyaynayo gaadiidka ay isticmaalaan madaxwaynaha iyo saraakiisha kale.

Cillada laga helay ayaa lagu sheegay inay tahay mid ka hor imanaysa hab-raacyada u degsan inay dayuuraddu ka gudubto marka ay samayn karto duullimaadyada loo baahan yahay sida ay madaxwaynaha u qaaddo meelo ay ka mid yihiin Camp David.

Waxaa ka mid ah in hannaanka isgaarsiintu uu daahayo, in matoorku uu kululaanayo iyo in uu dareere kasoo liigayo ama duxayo.

Dayuuradda ayaa awal lagu wadey inay howlgasho bishii Luulyo, taasoo markaaba sanad dib u dhacsanayd.

Hadalsame Media