Dal Yurub ah oo qarka u saaran inuu kala daato (Gobol fallaago ah oo kasoo dhex baxay)

0

(Sarajevo) 23 Nof 2021 – Dalka Bosnia iyo Herzegovina ayaa markale muquuranaysa xasarad siyaasadeed middii ugu xumayd tan iyo dagaalladii qaraaraa ee 1990meeyadii.

Dalka ayaa ka kooban dhowr sinji oo ay ugu waawayn yihiin Bosnian-ka iyo Serbian-ka oo iyagu leh nidaam leh xukun daakhili la yiraahdo Republika Serbska.

Yeelkeede, halkan oo ay u badan yihiin dadka isir Serbs-ka ah ayaa dalbanaya inay ka go’aan Bosnia oo ay xitaa samaystaan ciidan millateri oo iyaga u gaar ah. Waxay sidoo kale xiriirkii u jareen dhamaanba hay’adihii dowliga ahaa ee Bosnia.

Dadka oo shalay caasimadda Sarajevo ku dibedbaxay ayaa walaa ka muujiyey xaaladda hubaal la’aanta ah ee haatan kasoo korodhay dalkaasi. Waxay qaarkood sheegeen inaysan marna ogolaan doonin in dalka lakala jaro.

Saira Jaluk oo 17-jir ah oo dibedbaxaysey ayaa sheegtay inaysan marna ku fikirin in xaaladdan oo kale dib loogu laaban karo.

Hadalsame Media