7 xaqiiqo oo qaraar balse markii aad aqbasho nolosha kuu QURXIN doona!

0
Young man sitting on a park bench having a rest and enjoying his surroundings.

(Hadalsame) 23 Nof 2021 – Haddii aad baadigoob ugu jirtay talooyin dabacsan oo nolosha ku saabsan, kuwani saas ma aha. Talooyinkaan 7-da ah ee qaraar waxaa laga yaabaa in maqalkooda ay dhegtu u bogi wayso, balse waxaa la hubaa in ay kugu caawin doonaan habeynta noloshaada.

1) Qof ay shaqadiisu tahay in uu adiga ku toosiyo ma jirto, naftaada adigu toosi

Ma waxaa jira wax aad tabayso? Haddaba hel. Ma kaa tallaa? Jiifka ka kac oo raadso wax ku farxadgeliya. Ha sugin in aad bakhtiyaanasiib ku guuleysato oo aad maalin-taajir noqoto ama in dhibkaaga ay malaa’ig xalliso. Garo waxa aad u baahan tahay, xilka adiga isa saar ka dibna waxa aad xaqa u leedahay adigu dhacso.

2) Ma jiro wax dhammeystiran

Waqtigaan kuma habboona in aan ilmo dhalo.

Ganacsi haddii aan billaabo waan khasaarayaa.

Marka hore waa in aan iscaateeyaa [culeyska iska ridaa] ka hor inta aan shukaansi billaabin.

Saaxiib, runta oggolow! Haddii aad sugto waqtiga habboon, meesha habboon ama xaaladda habboon, waxaad uun is arki doontaa adiga oo sakaraadaya gacantana ku haysta liis qoomammooyin oo ku saabsan waxyaabihii aad jeclayd in aad qabato, balse aadan qaban [inta ay goori goor tahay, u dhaqaaq xaqiijinta riyooyinkaaga].

3) Waxay u badan tahay in aad guuldarreysan doonto

Aristootal (Aristotle) ayaa laga hayaa in uu yiri, “sida kaliya oo aad dhaliil uga fogaan karto waa adiga oo aan waxba sameyn, waxba dhihin oo waxbana aadan noqon.”

Arisootal waa nin xilli hore oo fog noolaa oo mootan inta aad nooleyd in ka badan. Balse taasi hadalkiisa kama dhigeyso duug oo wuu saxsan yahay. Guuldarradu waa wax caadi ah, waa wax nolosha qeyb ka ah qof walba wuu guuldarreysanayaa.

Way dhici doontaa in aad been isu sheegto ama aad daganto.

Go’aamo khaldan waad qaadan doontaa.

Dhunkasho waa kaaga fakan doontaa qof aan ku habbooneyn.

Waad ilduufi doontaa waadna ka shalleyn doontaa.

Taasi waa caadi, balse marka aad kufto, kac oo boorka iska jaf. Marka koowaad oo aad khaldantay ama ay kuu toosi waysay darteed nolosha ha uga rajo dhigin.

4) Tagtada ma baddali kartid

Waan ogahay, tani waa run qaraar – balse si walba oo aad isugu daydo tagtada dib looma qori karo [wixii tagay tiigsimaad ma leh; tagto daayoo timaaddo ogow]. Intii aad waqti ku lumin lahayd ka fikiridda gefefkaaga, xoogga saar qorshooyinkaaga nolosha ee timaaddada, horayna u qaad tallaabooyinkii aad ku fulin lahayd himilooyinkaaga.

5) Qof walba berri ma gaarayo

Ninkii iPhone hindisay, Istiif Joobs (Steve Jobs) ayaa wuxuu yiri, “xusuusashada aan xusuusanahay in aan mar dhow dhiman doono waa dhiirrigelinta ugu weyn oo aan abid helay taas oo iga kaalmeysay in aan doorashooyin waaweyn sameeyo [go’aan ka gaaro waxa aan sameynayo iyo waxa aan sameyneynin] – filashooyinka [rajooyinka], qabka, cabsida iyo yaxyaxa guuldarrada – waxaasi oo dhan geerida hortooda markii ay yimaadaan waxaa soo haraya kaliya wixii dhab ahaan muhiim ah [in la sameeyo].”

Dadka [qaar] waxaa jug siiya oo dila baabuur, qaar kale gaarigooda ayay shil la galaan oo ku dhintaan, kuwo kalana wadnaha ayaa istaaga. Dib ha ugu dhigin berri wax maanta la qaban karo, sababtoo ah dadka qaar cadceedda berri ma arkayaan.

6) In aad mashquulsan tahay kama dhigna in aad wax-soosaar badan tahay

Dadka qaar waxay ku andacoodaan in ay si daran mashquul u yihiin, balse haddii aad hawlahooda u kuurgasho, markiiba waxaad ogaaneysaa halkii ay ahayd in ay xoogga ka saaraan ebyidda hawlaha in ay isku murjiyaan intee in la eg ayay tahay in ay qabtaan.

Hawlaha intii aad u qaban lahayd si dafdaf leh u qabo si xikmad leh. Liis ku qor hawlaha ay tahay in aad qabato, u soo kor mari kuwa degdegga iyo muhiimka ah, ka dibna billow. Iska dami dhammaan ogeysiisyada kaaga imaanaya warbaahinta bulshada [Facebool, Twitter, Instagram iwm] iyo wax kastoo kale oo ku mashquulinaya. Marmarsiinyo jooji.

7) Waqti waad haysaa, jooji sheekada ah ‘waqti ma haayo’

“Waqti ma haayo” waxay noqotay oraah qof walba uu dhaho oo macna beeshay. Meeqa saac ayaad ku bixisaa maalin walba adeegsiga warbaahinta bulshada? Daawashada telefishin? Fiirfiirinta sawirro moobaylka kuugu jira? La sheekeysiga saaxiibbadaa adiga oo ka wareysanaya walaalahood, ilma’adeerradood…?

Maalmaheenna waxaa ka buuxa waxyaalo si macnodarro ah noo mashquuliya, adiga kuwa ku mashquuliya ogow, ka dib xaddid waqtiga kaaga baxa waxyaalahaas waxaadna ogaan doontaa sida dheefta leh oo aad waqtigaaga uga faa’iideysan karto.

Hadda maaddaama aad ogaatay runta qaraar, tolow maanta maxaad samayn doontaa si aad wax isugu fasho [noloshaada hagaajiso]?

Maqaalkan waxaa qoray: Lachlan Brown

Turjumaaddii: Shaakir M. Cabdullaahi

Hadalsame Media