DAAWO: Min Farmaajo, Rooble ilaa madaxda maamullada aamin maka yihiin MAS’UULIYADDA sawirradaa murugada leh ka ratibmaysa?!!

0

(Hadalsame) 20 Nof 2021 – Waxaa Somalia ka soconaya laba waqcadood oo aan war isu haynin, balse ay runtii ahayd inay aad iskaga war qabaan.

Waa siyaasadda sii khiyaaliyoobaysa ee kharashka iyo laaluushka ku mira dhasha iyo ummadda dhibban ee khilaafyada dhiiglaha ah ee danaysiga ah ee ay ka siman yihiin wadaad iyo wabiin, ay misna sii daashanayaan abaaraha haatan rukunka noqday ee wax laga saarayo qorshe xumada siyaasadda lafteeda.

Haddii aan hal sadar ka qoro dhibka maanta Somalia ka haysta siyaasadda, waxaa hubaal ah in halkii Xildhibaan uu u baahan yahay lacag 2 ceel looga qodi karo meel Somalia ka tirsan, si loo badbaadiyo nolosha wiilkaa yar ee dhoobada leefaya.

Halkii xildhibaan waxaa laga doonayaa lacag lagu sheegay diiwaangelin oo ah halka uu musuquba ka bilowdo maadaama aysan lacagtaasi aadaynin khasnadda dadwaynaha, walow tan aadda lafteeda aan ummad wax loogu qaban. Waxaa dheer inay laaluush uga baahan yihiin 101 qof oo qaarkood aan xitaa wejiyadooda loo jeedin lab iyo dheddig, jinni iyo insi waxa ay yihiinna aan la garanayn.

Haddii haddaba uu dadkii sidan u silcayo siyaasaddiina ay iska noqotay mid ku barraahda balanbalka haysta isla dadkii ay badbaadin lahayd, mid kasta oo yimaada isagoo ku qaylinaya halkudhegyo aan raqbadda dhaafsiisnayn oo munaafaqnimo dugsanaysana uu kasii liidanayo kii isaga ka horreeyey, waxaa halis wayn ku jira aayaha dalka & dadka.

Marka aad weliba eegto inta dhib ee Somalia yaalla ee aad u bandhigto siyaasadda aanba u samaysnayn inay taa wax ka qabato oo ay haatan u malabsanayaan kuwii bulshada ugu liitey maqaam iyo micneba waxaad ogaanaysa in aan isle’egtaa fashilan lagu badbaadin karin dal fashilan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media