DAAWO: Dal wayn oo Carbeed oo muddo 30 sano ah kaddib Safaarad rasmi ah ka furtay Muqdisho

0

(Muqdisho) 20 Nof 2021 – Wasaarad Dibadeedka Sucuudiga ayaa ku dhaqaaqday inay Jimcihii dib u furtay Safaraaddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Wefdi diblomaasi ah oo ka socdey Boqortooyada Sucuudiga ayaa bishii Juun wuxuu booqday magaalada Muqdisho si ay ugu gogol-xaaraan bilaabidda joogitaan diblomaasi ah oo rasmi ah iyo xoojinta xiriirka labada dal.

”Waxay tillaabadani xoojinaysaa horumarinta xiriirka labada dal si ay dadka walaalaha ah ee labada dal ay baraare ugu wada noolaadaan.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WaD Sucuudiga.

Sucuudiga oo ka mid ahaa dalalkii Carbeed ee aadka u taageeray Somalia xilligii nidaamkii millateriga ahaa iyo dagaalkii 77-kii ayaa howlaha diblomaasiga ah ee Somalia wuxuu ka wadey dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi.

Hadalsame Media