Wiil Soomaali ah oo loo haystey dilka askari booliis ahaa oo xukun lagu ridey & hooyada oo sheegtay tillaabo ay qaadday (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 20 Nof 2021 – Wiil 17-jir ah oo Soomaali ah ayaa lagu xukumay xabsi 8-sanadood ah sida ku cad xukunka Maxkamadda Degmada Göteborg, tiiyoo ay jirto inuu sheegay inuusan gaysan dilka loo haystey.

Sida uu sheegay Guddoonka Maxkamadda Göran Lundahl oo waraysi siiyey wakaaladda TT, cadaymaha ay heleen ayaa ka xoog batay diidmada wiilka, balse wuxuu tilmaamay in wiilku aanu ogayn in qofka uu dilayey uu askari ahaa markii uu goobta yimid booliisku, sida uu yiri.

Askariga oo la oran jirey Andreas Danman ayaa lagu diley xaafadda Biskopsgården. Lundahl ayaa intaa raaciyey in askariga la diley uusan ahayn bartilmaameedkii rasmiga ahaa oo aanu wiilku sii qorshaynin inuu booliis toogto.

Dhanka kale, hooyada wiilkan dhashay oo saxaafadda u warrantay ayaa sheegtay inay marar badan kaalmo waydiisatey hay’adaha Sweden sida booliiska iyo social-ka, balse aan laga caawin sidii ay arrintan u xallin lahayd.

Hadalsame Media